Kooxaha Ku Hirdama Horyaalka La Liga Ee Real Madrid Iyo Barcelona Ayaa Ku Soo Biiray Loolanka Jadon Sancho Ee u Ciyaara Kooxda Borussia Dortmund?

Kooxaha ugu waaweyn Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay soo galeen loolanka loogu jiro saxeexa garabka da’yarta ah ee kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo xoog loola xidhiidhinayay Man United.

Sancho ayaa gudaha xilli ciyaareedkan oo dhan lala xidhiidhinayay inuu suuqa xagaaga ka bixi doono Dortmund iyadoo Manchester United loo arko kooxda ugu xoogan ee saxeexiisa aadka u doonaysay balse Barca iyo Real ayay midkasta sabab ay kusoo xero-galiso haysata.

Aan ku bilawnee Barcelona ayaa doonaysa inay iyadu Sancho la wareegto isla markaana ay Dortmund u gacan geliso da’yarkeeda Ansu Fati.

Fati ayaa xilli ciyaareedkan uun bilaabay ka ciyaarista heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta laakiin Barcelona ayaa diyaar u ah inay u gacan geliso Dortmund walow wargeyska Bild ee warkan laga soo xiganayaa uu sheegayo inay heshiis amaah ah oo kaliya ugu dirayso kooxdaas.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa suuqa xilli ciyaareedkii hore galisay lacag badan balse wali waxa jirta suurogalnimo ay ugu dhammaysan karto koob la’aan xilli ciyaareedkan.

Sababta ay Los Blancos kusoo  xero-galin karaan Sancho ayaa ah inay rekoodh wanaagsan ku leeyihiin soo jiidashada ciyaartoyda tayada wacan isla markaana uu Sancho qayb ka yahay xiddigahaasi.

Dortmund ayaa lacag 100 Milyan oo Pound ah dul dhigtay iibka Sancho haddiiba ay fasaxayso, waxa la eegi doonaa sida heshiis qabsooma uu u saameeyo xanuunka Coronavirus oo dhaqaale xumo sababay.