Kooxaha Club Brugge Iyo Man United Ayaa Wada Ciyaari Doona Lugta Koowaad Tartanka UEFA Europa League?

Kooxaha Club Brugge Iyo Man United Ayaa Wada Ciyaari Doona Lugta Koowaad Tartanka UEFA Europa League?
Kooxaha Club Brugge Iyo Man United Ayaa Wada Ciyaari Doona Lugta Koowaad Tartanka UEFA Europa League?

Kooxda Man United ayaa dooneeysa iney waji fiican ku bilowdo wareega bug-baxda koobka UEFA Europa League, sidoo kalana waxey isha ku heysaa iney bilowdo ololaha ay ku dooneyso iney ku hanato koobkaan xiisaha badan oo ay ugu dambeysay 2017.

Red Devils waxey ka mid tahay kooxaha loo saadaalin karo tartanka, inkastoo ay tartanka gadaal kaga soo biireen Ajax iyo Inter Milan, hadana Ole Gunnar Solskjaer wuxuu doonayaa inuu kooxda uga faa’iideey iney si muran la’aan ah kusoo aado fasalka dambe tartanka Champions League.

Club Brugge waxey ka mid tahay kooxaha kasoo haray koobka horyaalada yurub, waxeyna kusoo fashilmeen iney kasoo baxaan kooxaha Real Madrid & Paris Saint Germain.

Pogba iyo Rashford ayaa wali dhaawac kooxda kaga maqan, balse McTominay iyo Tuenzebe ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxda, waxeyna qarka u saaran yahiin iney kooxda u saftaan.

Lindelof ayaa shaki la galinayaa inuu kulankaan ciyaaro iyadoo saxiixa cusub ee kooxda Odion Ighalo laga yaabo inuu kusoo bilowdo kulanka caawa.

Dhinaca kale Simon Mignolet ayaa ka hor imaan doona Man United, sidoo kalana Michael Krmencik oo bishii lasoo dhaafay kooxdaan kusoo biiray ayaa rajeynaya inuu kusoo bilowdo kulanka caawa.

Man United kaliya hal kulan ayey lumisay sideedii ciyaarood ee ugu dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaaraan tartanka Europa League 4-guul iyo 3-barbaro ayaa u dheeri ah, kaliya kulankaas waxey guuldaro kala kulantay Astana fasalkaan.

Kooxaha Manchester United iyo Club Brugge ayaa horay isaga hor yimid laba jeer, Red Devils ayaa 3-1 ku badisay kulankii ay timid guriga ay caawa ku ciyaarayaan mar kale ayeyse 4-0 ku badisay intii lagu jiray isreeb-reebka Champions League 2015-2016.