Home SONYO CUP

Kooxaha Ciidanka Asluubta Iyo Xidigaha Boorama Ayaa Barbaro Wada Galay Tartanka Sonyo Cup?

Kooxaha Ciidanka Asluubta Iyo Xidigaha Boorama Ayaa Barbaro Wada Galay Tartanka Sonyo Cup?
Kooxaha Ciidanka Asluubta Iyo Xidigaha Boorama Ayaa Barbaro Wada Galay Tartanka Sonyo Cup?

Kooxaha Ciidanka Asluubta Iyo Xidigaha Boorama Ayaa Barbaro 2-2 ah Wada Galay Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeisa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Daqiiqadii 1.aad Kooxda Ciidanka Asluubta Ayaa Goolka Furitaanka Heshay Waxaana u Dhaliyey Yaasiin Cadaani.

Daqiiqadii 18.aad Kooxda Xidigaha Boorama Ayaa Helay Goolka Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Cabdiraxmaan Carabloo.

Daqiiqadii 30.aad Kooxda Xidigaha Boorama Ayaa Helay Goolka Labaad Waxaana u Dhaliyey Mar Kale Cabdiraxmaan Carabloo.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay 2-1 Hogaanka Hayso Kooxda Xidigaha Boorama Waxaana Kulankan Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Yuusuf Yosila Oo u Dhashay Wadanka Yugaandha Xili Qaybtii Danbe Ciyaarta Loo Gudbay.

Daqiiqadii 78.aad Kooxda Xidigaha Boorama Ayaa Kaptankooda Muxiyadiin Feedha Geele Laga Siiyey Kaadhka Casaanka ah.

Daqiiqadii 89.aad Kooxda Ciidanka Asluubta Ayaa Heshay Goolka Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Xamse Cabdiqaadir.

Xamse Cabdiqaadir.

Si Kastaba Kooxaha Ciidanka Asluubta Iyo Xidigaha Boorama Ayaa Barbaro 2-2 ah Wada Galay Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeisa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

11-Rajab-1441 Khamiis By Tayo Qaran AL-AhmåDi.