Home LA LIGA

Kooxaha Arsenal Iyo Manchester United Ayaa Ku Hirdamaaya Ciyaartoy u Ciyaara Kooxda Barcelona Waa Kuma?

Kooxaha Arsenal Iyo Manchester United Ayaa Ku Hirdamaaya Ciyaartoy u Ciyaara Kooxda Barcelona Waa Kuma?
Kooxaha Arsenal Iyo Manchester United Ayaa Ku Hirdamaaya Ciyaartoy u Ciyaara Kooxda Barcelona Waa Kuma?

Labada kooxood ee Manchester United iyo Arsenal ayaa xagaaga soo aaddan isku muruxsan doona dagaal ay ku kala jiidanayaan daafaca xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti, kaas oo loo badinayo inuu iskaga bixi doono naadiga reer Catalonia.

Laacibkan oo sannadkii 2015 ay Barcelona kasoo iibsatay Lyon ayaa ku dhibaatooday Camp Nou, waxaana dhaawacyo soo noqnoqday ay sababeen inuu lumiyo booskiisii joogtada ahaa oo uu kala baxay Lenglet, waxaanay taasi ku riixaysaa inuu qaato go’aan uu ku raadsanayo naadi uu ka heli karayo boos joogto ah.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta ayaa raadinaya difaac tayo leh oo u beddela David Luiz iyo Mustafi oo ay da’doodu weynaatay, isla markaana qaab difaacoodu diciif yahay.

Image result for Samuel Umtiti

William Saliba oo kusoo jeeda Emirates, waxa uu u baahan doonaa in laga garab ciyaarsiiyo difaac wanaagsan oo ay wada dhisi karaan derbi adag oo goolkooda ka hor istaaga weeraryahannada bahallaha ah ee jooga Premier League waxaana Arteta uu diiradda saarayaa in uu soo qaato difaac ka dheeli kara dhinaca bidix iyo difaaca dhexe, kaas oo uu u arkayo inuu yahay Samuel Umtiti.

Dhinaca kale Manchester United oo doonaysa difaaca Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa waxay il gaar ah ku haysaa xaaladda Umtiti ee Barcelona si ay dhinaciisa ugu jeedsato haddii ay difaaca reer Senegal waayaan.

Ole Gunnar Solskjaer oo warbaahinta la hadlay dhowaan ayaa waxa uu sheegay in ay ogyihiin inay u baahan yihiin hal, laba ama saddex ciyaartoy oo ka caawiya inay horyaalka kula tartamaan kooxaha sannadihii ugu dambeeyey isku eryanayey waxaana la rumaysan yahay in meelaha uu farta ku fiiqayo uu difaacu ka mid yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaan la ogeyn inay fasixi doonto laacibkeedan maadaama iyagaba ay dhinaca difaaca dhibaato ka haysato, isla markaana uu hawlgab ku dhow yahay Gerard Pique, sidoo kalena ay dhaawacyo wiiqeen Jordi Alba.