Home LA LIGA

Kieran Trippier Ayaa Soo Bandhigay Sirtii Ka Danbaysay Guushii Xalay Kooxdiisa Ee Atletico Madrid Kulankii Kooxda Liverpool?

Kieran Trippier Ayaa Soo Bandhigay Sirtii Ka Danbaysay Guushii Xalay Kooxdiisa Ee Atletico Madrid Kulankii Kooxda Liverpool?
Kieran Trippier Ayaa Soo Bandhigay Sirtii Ka Danbaysay Guushii Xalay Kooxdiisa Ee Atletico Madrid Kulankii Kooxda Liverpool?

Xiddiga Atletico Madrid iyo xulka qaranka England ee Kieran Trippier ayaa fashiliyey sirtii kooxdiisa ka caawisay inay xalay Anfield ku garaacaan Liverpool oo ay marti u ahaayeen, isla markaana ka reebaan tartanka Champions League.

Laba gool oo ay Liverpool ku horreysay ayaa loogu jawaabay saddex gool oo sabab u noqday in celcelis ahaan ay kooxda reer Spain wareegga 16-ka ugu soo baxdo 4-2.

Kooxda tababare Klopp ayaa u muuqatay inay kasoo kaban doonto guul-darradii Wanda Metropolitano lugtii hore kasoo gaadhay ee 1-0 ahayd, waxaana laba gool oo ay u saxeexeen Wijnaldum iyo Firmino farxad iyo damaashaad ku qaabbilay jamaahiirta Liverpool, laakiin qalad uu inyar kaddib sameeyey Adrian ayaa wax kasta beddelay, waxaana ugu dambayn ay ciyaartu ku dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Atletico.

Image result for Kieran Trippier

Kieran Trippier oo xagaagii ku biiray Atletico Madrid, xalayna ka mid ahaa xiddigihii karbaashka u geystay Liverpool, ayaa waxa uu soo bandhigay taatikadii ay la yimaaddeen iyo sirtii ka caawisay inay Reds ku garaacaan Anfield, waxaanu yidhi: “Waxaanu ogayn inay aad u adkaan doonto, waxaananu awoodda saarnay difaaca oo aanu xoojinay oo aanu isku dayno inaanu jahowareerino Liverpool inta ugu badan ee karaankayaga ah. Waxaanu ogeyn inaanu fursadahayaga heli doono haddii aanu culays saarno Firmino, Salah iyo Mane.”

Laacibkan hore waxa uu sheegay in tababare Diego Simeone uu waxyaabo badan ka bartay, waqtiga tababarkana uu sida ciyaaraha caadiga ah ugu xamaasadda badan yahay oo kale yahay, waxaanu yidhi: “Sida aanu u ciyaarnaa waa qaabka aanu ku tababarno. Isagu (Diego Simeone) waa sidan oo kale waqtiga tababarka, farxad ayay ii tahay inaan maalin kasta wax ka barto oo aan la shaqeeyo. Waan garanayay inaan u baahanayo inaan isbeddel sameeyo markii aan ku biirayay Atletico Madrid, mana odhan kartid maya. Waxyaabo cusub ayaan bartaa maalin walba.”

Image result for Kieran Trippier

Xiddiga reer England, waxa kale oo uu xusay in sannadihii ugu dambeeyey ay Atletico Madrid ahayd mid difaac ahaan dhisan, mar kalena ay xalay muujiyeen taas, waxaanu yidhi: “Waad arkayseen sida difaac ahaan Atletico u xooganayd sannadihii tegay, caawana (xalay) mar kale ayaanu ku celinay, ciyaartooyadii lasoo beddelay ayaana saamayn weyn nagu yeeshay.”

“Waxa jira kooxo cajiib ah tartankan, laakiin waxaanu diiradda saari doonaa nafahayaga, yaa se garan karaya waxa dhici doona dhamaadka xili ciyaareedka.” Ayuu raaciyey.