Home LA LIGA

Khibradii Macalinimo Ee uu Ka Soo Faa’iday Dalka Taliyaaniga Ayuu Ka Waramay Macalinka Real Madrid Zinedine Zidane?

Khibradii Macalinimo Ee uu Ka Soo Faa'iday Dalka Taliyaaniga Ayuu Ka Waramay Macalinka Real Madrid Zinedine Zidane?
Khibradii Macalinimo Ee uu Ka Soo Faa'iday Dalka Taliyaaniga Ayuu Ka Waramay Macalinka Real Madrid Zinedine Zidane?

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane waligii ma qarinin in tababarihii ugu horreeyey ee uu la dhacay, kana helay falsafaddiisa macallinimo iyo taatikooyinka uu garoomada la yimaaddu uu yahay khabiirka Talyaaniga ah ee Marcello Lipp oo tababare usoo noqday waqtigii uu u ciyaari jiray Juventus.

Waxay u ahayd markii uu qaaday tallaabadiisii ugu horreysay ee uu ku muujiyey inuu noqonayo ciyaartoy weyn oo ay dunidu tixgeliso, ugu dambayntiina gacanta ku dhigay laacibka adduunka sannadkii 1998-kii oo uu dalkiisa u qaaday Koobka Adduunka.

Zidane waxa uu awood u yeeshay inuu waxyaabo badan oo kubadda cagta Talyaaniga ah ka barto Lippi, kuwaas oo isugu jiray laba arrimood oo midda hore ahayd qaab-dhismeedka jidheed, tababarka iyo midda labaad oo ahayd taatikada lagu jabiyo kooxaha kale.

Marcello Lippi waxa uu ahaa mishiin soo saara difaacyahannada ugu wanaagsan, kooxdiisuna mar walba tahay tan ay kooxaha kale kasii walwalaan sidii ay goolal uga dhalin lahaayeen, sidoo kalena waxa uu khadka dhexe ka abuuri jiray ciyaaryahanno badan oo bandhigyo layaab leh ku madadaaliya taageereyaasha. Waxa kale oo Lippi uu dhaqan u lahaa in uu ciyaaryahanno badan khadka dhexe iska soo dul-buuxiyo si ay gudahooda ugu tartamaan kuwa kusoo baxaya shaxda hore, taas oo ka caawin jirtay inuu helo ciyaaryahanno dhiigga shubaya oo ogsoon in haddii ay si liidata u ciyaaraan degdeg ay u lumin doonaan boosaskooda.

Tusaale ahaan, Zinedine Zidane iyo Alessanandro Del Piero waxay ahaayeen kuwo mararka qaarkood hal boos iska suga ka hor intii aanay isku muujin in mid walba uu kalidii noqdo ninka ay maskaxdiisu sideeda usoo bandhigayso farsamada iyo hirgelinta falsafadda macallinka ee kulan kasta, waxaana hibadooda hal-abuur u raacsanaa goolal badan oo ay dhalin jireen.

Intii uu Talyaaniga joogay, waxa kale oo uu Zidane soo bartay qiimaha ay leedahay dheellitirnaantu, waana kalamadda ugu badan ee afkiisa uu ka yidhaahdo xilliyada uu shirarka jaraa’id qabanayo.

Markii uu Cristiano Ronaldo ka tegay, isaguna shaqada dib ugu soo laabtay, Zidane waxa uu abuuray xoog ka socda khadka dhexe oo uu ku dabooli karo booska uu banneeyey mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu wanaagsanaa ee kubadda cagta soo maray, sidoo kalena ahaa mishiin goolashu kasoo burqadaan.

Xili-ciyaareedkii 2016/17, Real Madrid waxay abuurtay kooxdii ugu wanaagsanayd taariikhdeeda casriga ah, waxaanay ku guuleysteen shan koob oo ka mid ah lix koob oo ay ku tartameen, waxaana koobabka ay qaadeen ka mid ahaa Champions League iyo LaLiga. Celcelis ahaan, kulan kasta waxa laga dhaliyey 1.2 gool, laakiin iyagu waxay kulan kasta celcelis ahaan dhaliyeen saddex gool.

Waqtigaas hadda wuu tegay, Cristiano wuxuu ku biiray Juventus, Julen Lopetegui iyo Santiago Solari oo booska Zidane muddo gaaban hayeyna waxay Bernabeu kala baxeen niyad-jab. Xattaa tababaraha reer France markii uu kusoo laabtay shaqada dhamaadka xili ciyaareedkii hore ee uu xilka ka beddelay Solari, way ku adkaatay in uu badbaadiyo xili-ciyaareedkaas oo uu sare ugu soo qaado kaalinteeda horyaalka LaLiga oo ay saddexaad ka gashay, balse waxa uu sameeyey tijaabooyin badan oo uu ugu diyaar-garoobayay xili ciyaareedka hadda socda.

Bilowgii xili ciyaareedkan, waxa Los Blancos ay noqotay naadiga goolasha ugu yar laga dhaliyey qaaradda Yurub, illaa haddana waxay ku jirtaa naadiyada ugu difaaca wanaagsan, horyaalka waddanka Spain na laba jeer oo kaliya ayaa laga adkaaday, waana kooxda ugu rikoodhka fiican marka laga eego kulamada ay khasaaraha ka badbaadday.

Celcelis ahaan, kulan kasta waxa laga dhaliyey 0.8 gool, waana rikoodh cajiib ah oo xattaa ka sarreeya midkii xili ciyaareedkii 2016/17 ee ay koobabka badan qaadeen, laakiin waxa hoos u dhacday heerkooda gool-dhalinta maadaama aanay weeraryahanno wanaagsan soo iibsanin, waxaanay kulan kasta dhaliyaan celcelis ahaan 2.1 gool.

Guud ahaan tirada goolasha xili ciyaareedkan ay Real Madrid dhalisay waa 80 gool, haddii la barbar-dhigo waqtigii Cristiano Ronaldo, laacibka reer Portugal ayaa awood u lahaa in kalidii uu goolal intaas ku dhow u dhaliyo, laakiin haddana Los Blancos waxay haysaa hoggaanka horyaalka LaLiga, waxay ku jirtaa Champions League oo wareegga 16-ka lugtiisa labaad ay Manchester City u tegi doonto iyadoo kulankii horena 2-1 lagaga badiyey, waxaa se u dheer in Zidane uu mar horeba bilaabay hanashada koobabka oo bishii December uu koobkiisii ugu horreeyey xili ciyaareedkan u qaaday, kaas oo ahaa Spanish Super Cup.

Dhamaan tartamadii ay ku jireen xili ciyaareedkan, kaliya Copa del Rey ayay ka hadheen, intii kalena way ku loolamayaan.

Si kastaba, Zidane waxa uu muujinayaa casharradii kubadda cagta iyo duruusihii cajiibka ahaa ee uu kasoo bartay Talyaaniga oo uu usoo guuriyey Spain iyo horyaalka LaLiga.