Kaptankii Hore Kooxda Gaadiidka Ayaa Ku Dhawaaqay Inuu Ka Tagay Kooxdaasi Walina Ma Shaacin Kooxda uu Tagaayo.

Keynaan Siciid Sheekh Maxamuud Loona Yaqaano “Key Key” Ayaa Iskaga Tagay Kooxdiisii Gaadiidka Ee Magaalada Muqdisho.

Keynaan Key Key Ayaa Mudo Sagaal Sano ah Ku Sugnaa Kooxda Lagu Naanayso Otobaarka Ee Gaadiidka Kana Mida Kooxaha Heerka Koowaad Ee Magaalada Muqdisho Ka Dhisan.

Kaptankii Hore Ee Kooxda Gaadiidka Keynaan Key Key Ayaa Kooxda Gaadiidka uga Ciyaari Jiray Dhanka Khadka Dhexe Waxaana Uu Ka Mid Ahaa Xidigaha Ugu Cadcadaa Horyaalka Somali Premier League.

Intii Aanu Kaptan Keynaan Key Key Ku Soo Biirin Kooxda Gaadiidka Waxaa uu u Ciyaari Jiray Xulkii Degmada Hodan Xili Tartankii Horyaalka Degmooyinka Gobolka Benaadir Wacdaro Ka Dhigay Ka Dibna Kooxda Gaadiidku La Soo Wareegtay.

In Kastoo Aanu Wali Dhamaan Heshiiskii Uu Kula Sugnaa Kooxda Sidoo Kale Ma Shaacin Sababta Keentay Inuu Ka Tago Kooxda Balse Kooxo Badan Oo Raadinaya Ayaa Waxaa Laga Xusi Karaa Kooxda Horyaalka Somali Premier League Haysata Ee Dekadaha Inay Aad u Xiiseenayso Ciyaartoygan.

25-Jamadul Awel-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-AhmåDi.