Home Serie A

Kalidou Koulibaly Hadii Uu Ku Soo Biiri Karo Kooxda Man United Iyo Hadii Ole Gunnar Solskjaer Ogalaan Karo Waxaa Wax Ka Qoray Wargeyska Evening News?

Kalidou Koulibaly Hadii Uu Ku Soo Biiri Karo Kooxda Man United Iyo Hadii Ole Gunnar Solskjaer Ogalaan Karo Waxaa Wax Ka Qoray Wargeyska Evening News?
Kalidou Koulibaly Hadii Uu Ku Soo Biiri Karo Kooxda Man United Iyo Hadii Ole Gunnar Solskjaer Ogalaan Karo Waxaa Wax Ka Qoray Wargeyska Evening News?

Wargeyska Manchester Evening News ayaa shaaca ka qaaday aragtida tababare Ole Gunnar Solskjaer ee daafaca dhexe ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly iyo haddii uu suuqa xagaaga si weyn u doonayo inuu kusoo darsado safka kooxdiisa Manchester United.

Heshiiska Koulibaly ee Napoli ayaa ah mid ku eeg sanadka 2023, dhaawacyo kusoo noq noqday gudaha xilli ciyaareedkan ayaa qasbay in lala xidhiidhiyo kooxo badan xilli kooxdiisu ay booska lixaad kaga jirto miiska kala sarreynta horyaalka isla markaana ay lix dhibcood u jirto booska afraad.

Manchester Evening News oo ah wargeyska xogtan cusub laga helayo ayaa sheegay in Solskjaer uu Koulibaly u arko mid kamida daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan dunida balse uusan saxeex muhiimad weyn leh u ahayn suuqa soo socda.

Ole ayaa kalsooni weyn ku qaba daafacyada dhexe ee kooxdiisa ee uu hoggaaminayo kabtan Harry Maguire kuwaas oo 11 kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan 9 kulan oo kamid ah shabaqooda ilaashaday.

Marka laga yimaado inay Man United mudo dheer la dhacsanayd qaab ciyaareedka Koulibaly, xiddigan ayaa bisha June 29 sano jirsan doona waxaana uu ka baxayaa shuruudaha ay muddooyinkii ugu dambeeyay kooxdaasi wax ku iibsanaysay ee ah inay helaan ciyaartoy ugu badnaan 28 sano jir ah.

Manchester ayaa suuqii xagaaga ee 2019 muhiimada koowaad siisay daafaca kooxdeeda iyagoo la saxeexday Aaron Wan-Bissaka iyo Maguire oo isku dar 130 Milyan ah halka ay xagaagan xooga saari doonaan safka weerarka waxaana bartilmaameed u ah Jadon Sancho oo Dortmund ka tirsan iyo Jack Grealish oo Aston Villa qayb ka ah.