Kalidou Koulibaly Ayaa Lagu Kala Calaf Qaaday Dhanka Kooxihii Ku Tartamaayey Hadaba Kooxdee Ku Guulaysatay?

Kalidou Koulibaly Ayaa Lagu Kala Calaf Qaaday Dhanka Kooxihii Ku Tartamaayey Hadaba Kooxdee Ku Guulaysatay?
Kalidou Koulibaly Ayaa Lagu Kala Calaf Qaaday Dhanka Kooxihii Ku Tartamaayey Hadaba Kooxdee Ku Guulaysatay?

Daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly oo ahaa mid ay kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub suuqa ugu jireen saxeexiisa mudo dheer ayaa u muuqda mid ugu dambayn ka hayaamaya kooxda reer Talyaani.

Xilli ciyaareedkan 2019-20 ayaa hakad galay kaddib dhibaatooyin uu keenay caabuqa Coronavirus balse taas ayaan la micno ahayn inaysan kooxuhu lahayn wax ay qabtaan sababtoo ah inay aad ugu mashquulsan yihiin qorshayaashooda kala duwan ee mustaqbalka.

Mid kamida qorshayaashaas iyo xiddigaha laga leeyahay ayaa ah Koulibaly iyadoo kooxda saxeexiisa ugu dhaw haatan lagu sheegay Paris Saint-Germain, Il wareedka Le Quotedien du Foot ayaa shaaca ka qaaday in Napoli ay ku dhawdahay inay la heshiiso PSG.

Paris Saint-Germain ayaa doonaysa inay bedesho kabtanka kooxdeeda ee Thiago Silva kaas oo da’ ahaan weynaaday isla markaana qandaraaskiisu uu dhacayo bisha June ee dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Koulibaly oo 28 sano jir ah ayuu heshiiskiisa Napoli yahay mid dhacaya sanadka 2023 balse si ka duwan sanadihii hore, Kooxda ree Talyaani ayaa aad ugu furan inay ka xaajooto heshiisyada lagu doonayo iibkiisa.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France, Paris ayaa aad 70 Milyan oo euro ku doonaysa saxeexa Koulibaly halka ay Napoli ku qiimayso xiddigeeda 80 Milyan oo euro walow la filayo in heshiiska lagu dhammeeyo 75 Milyan ugu dambayn.

Sidoo kale waxa dhaw heshiiska shaqsiga ah ee uu daafaca ree Senegal la gaadhayo Paris, Kooxdaasi ayaa ka saxeexanaysa heshiis shan sano ah oo uu sanadkii 10 Milyan oo euro mushahar ahaan ugu qaadanayo.