Kaftankii Uu Jeediyey Taageere Kooxda Chelsea ah Oo Keentay In Kaftanka Uu Dhinac Kale u Jeediyey Raheem Sterling?

Kaftankii Uu Jeediyey Taageere Kooxda Chelsea ah Oo Keentay In Kaftanka Uu Dhinac Kale u Jeediyey Raheem Sterling?
Kaftankii Uu Jeediyey Taageere Kooxda Chelsea ah Oo Keentay In Kaftanka Uu Dhinac Kale u Jeediyey Raheem Sterling?

Taageere kooxda Chelsea ah ayay baraha bulshada ku kaftameen garabka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling iyadoo taageerahaasi uu marka hore isku dayay inuu Raheem ka xanaajiyo ka hor inta aanu xiddiga Sky Blues kaftanka heer kale geynin.

Sterling ayaa bartiisa Instagram wakhti kula qaadanayay mucaashaqiinta kooxdiisa Manchester City isagoo dib u milicsaday kulankiisii ugu horreeyay ee uu kooxda matalay kulan ay wajaheen West Bromwich Albion.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka England ayaa taageerayaasha kooxdiisa u sheegay inuu shan sano kooxdaas matalayay isla markaana ay barta faalada (Comment-ka) ugu reebaan daqiiqadihiisa ay ugu jecel yihiin wakhtiga uu kooxda joogay.

Si lama filaan ah, taageerayaal badan oo aan ahayn kuwa Man City ayaa isku dayay inay qasaan waxaana kamid ahaa taageere Chelsea ah oo soo xusuusiyay Sterling kulankii ay Blues 3-1 kaga guuleysteen City ee ay goolasha dhaliyeen Hazard, Diego Costa iyo Willian xilli ciyaareedkii 2016-17.

Taageeraha Chelsea ayaa isaga oo ka jawaabaya su’aasha Sterling ee ahayd wakhtigiisii ugu fiicnaa ee uu kooxda kusoo qaatay ayaa yidhi “Markii Hazard, Willian iyo Costa ay saddexda idiin kala jareen ragoow”

Sterling ayaa usoo jawaabay taageerahaas isagoo jawaab yaab leh siiyay dibna u xasuusiyay kulankii qabsoomay February 2019 markaas oo ay Man City 6-0 ku gumaaday Chelsea.

Sterling ayaa kulankaas bandhiga goolasha soo furay kahor inta uusan mid labaadna dhalinin iyadoo saddexley goolal ah oo uu dhaliyay Sergio Aguero iyo gool kulaad uu dhaliyay Ilkay Gundogan ay xisaabta soo xidheen.

Sterling ayaa markiisa isaga oo u jawaabayay taageerahan u qoray “Ala haa, kaddibna waxaanu dhalinay lix gool, xasuusnow midkaasi”

Taageerayaasha Manchester City ayaa markooda ka qayb qaatay goobta uu Sterling jawaabta ku bixiyay iyagoo si weyn ugu amaanay sida uu ugu jawaabay taageerahaasi.