Home Premier League

Juventus Oo Baahi Weyn u Qabta Helista Paul Pogba Kuwaasi Oo Wada Xaajood Ka Dhex Wada Kooxda Man United?

Juventus Oo Baahi Weyn u Qabta Helista Paul Pogba Kuwaasi Oo Wada Xaajood Ka Dhex Wada Kooxda Man United?
Juventus Oo Baahi Weyn u Qabta Helista Paul Pogba Kuwaasi Oo Wada Xaajood Ka Dhex Wada Kooxda Man United?

Kooxda horyaalka Serie A difaacanaysa ee Juventus ayaa u muuqata mid wax badan u samaynaysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd khadka dhexe uga Ciyaara Kooxda Man United Ee Paul Pogba kaas oo afar sano oo dahabi ah hore ugu soo qaatay Turin.

Pogba ayaa lala xidhiidhinayaa inuu ka dhaqaaqi doono Old Trafford iyadoo suuqa xagaagan soo socdaa uu yahay mid ay aad u sarreyso suurogalnimada uu kaga bixi karo kooxdaasi.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in Bianconeri ay diyaar u yihiin inay ciyaaraan dhammaan fursadaha ay haystaan si ay u hubiyaan in Pogba uu kooxdooda kasoo xaadiro balse wargeyska ayaa intaas ku daraya inay suurogal tahay inay saddex ciyaartoy huraan.

Warbixinta ayaa intaasi ku daraysa in madaxa suuqa ee kooxdaas ee Fabio Paratici uu si adag u shaqayn doono si uu u helo xalka ugu wanaagsan, Marka laga yimaado dhaqaale xumada uu haatan keenay caabuqa Corona, Paratici ayaa u baahan doono inuu lacag sameeyo si uu ugu dhaqaaqo Pogba.

Saddexda xiddig ee ay seeftu qaadi doonto ayaa lagu sheegay khadka dhexe ee muhiimka usoo ahaa xilli ciyaareedyadii hore ee Miralem Pjanic iyo xiddigaha garbaha ee Douglas Costa iyo Federico Bernardeschi.

Pjanic oo kulamadii ugu dambeeyay kursiga keydka galay ayaa la tusi karaa albaabka looga baxo Allianz Stadium xilli Maurizio Sarri uu xilli horeba haysto bedelkiisa oo ah Rodrigo Bentancur, Sidoo kale Douglas Costa iyo Bernardeschi oo aan midkoodna xilli ciyaareedkan door weyn ka haysanin kooxda ayaa noqon kara kuwo baxa.