Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Arimo Badan Oo Kooxda Liverpool ah Iyo Waliba Wada Hadalka Willian Borges?

Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Arimo Badan Oo Kooxda Liverpool ah Iyo Waliba Wada Hadalka Willian Borges?
Willian Ayaa Kooxda Liverpool u Xidhan Doona Lambarkan Hadii Uu Ku Soo Biiro?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u muuqda mid wata qorshe sir ah oo uu cidkasta kaga yaabsanayo suuqa kala iibsiga ee soo socda xilli la sheegayo in kooxdaasi ay wada xaajood la bilawday garabka kooxda Chelsea ee Willian Borges.

Warbixin laga helay wargeyska ree Spain ee Sport oo uu isna kasoo dheegtay il ciyaareedka SportWitness ayaa shaaca lagaga qaaday in xiisaha ay Chelsea u muujinaysa xiddiga amaahda kaga maqan Barcelona ee Philippe Coutinho ay dhalinayso In Willian uu koox weyn oo Premier League ah u wareego.

Sport ayaa shaaca ka qaaday haatan in Willian uu wada-xaajood kula jiro kooxda hoggaanka u haysa Premier League ee Liverpool xilli ay xusid mudan tahay in qandaraaskiisa Stamford Brigde uu yahay mid ku eeg 30-ka bisha June.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Willian uu aad u doonayo heshiis uu la gaadho Liverpool maadaama oo uu isha ku hayo qandaraas isaga faa’ido badan u leh haddiiba uu koox qaab xor ah ugu biirayo oo aysan kooxdaasi lacag ku bixinayn helitaankiisa.

Liverpool ayaa ah koox qani ka ah safka weerarka iyagoo haysta saddexleyda Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino balse Klopp ayaa raadinaya xiddigo uu ku xoojiyo si ay xilli ciyaareedka dambe usii joogteen qaabka ay u qabsadeen horyaalka xilli ciyaareedkan.

Willian ayaa wakhti xaadirkan ka maqan UK isagoo ku laabtay dalkiisa Brazil halkaas la jooga qoyskiisa oo uu si wada-jir ah guriga ula joogo wakhtigan aan la ogolayn in dibada wakhti badan lagu qaato.

Dhawaan ayay ahayd markii Willian uu si cad u sheegay in wada hadalkii heshiis kordhinta ee kooxdiisu uu bur-buray isla markaana aysan jirin wax kahor istaagaya inuu ku biiro koox weyn oo ay Blues ku xifaaltamaan horyaalka.