Jurgen Klopp Ayaa Fariin Cad u Diray Kooxaha Chelsea Iyo Man City?

Jurgen Klopp Ayaa Fariin Cad u Diray Kooxaha Chelsea Iyo Man City?
Jurgen Klopp Ayaa Fariin Cad u Diray Kooxaha Chelsea Iyo Man City?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa jeex jeexay kooxaha Man City iyo Chelsea kadib markii uu ka hadlay siyaasada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee kooxdiisa Liverpool.

Jurgen Klopp ayaa hadal laayableh ka sheegay kooxaha Chelsea iyo Man City wuxuuna ku dooday in ayna kooxdiisa Reds la mid ahayn kooxahan oo ayna siyaasadooda suuqa kala iibsiga hal habeen ku badali karin si ay ula mid noqdaan kooxahan oo uu kalmado cusub u adeegsaday.

Klopp waxa uu Man City ku tilmaamay koox uu wadan leeyahay isaga oo ugu duur xulaya lacagta carbeed ee sanadaha badan City lagu soo maal galinayay halka uu Chelsea ugu duur xulay in uu leeyahay maal qabeenka Ruuska ah oo uu tilmaamay in uu xataa siyaasada saamayn ku leeyahay.

Jurgen Klopp oo Man City Iyo Chelsea Si layaableh ugu duur xulaya  ayaa yidhi: “Waxaynu ku nool nahay aduunyo uu waqtigan ka jiro hubtani la’aan badani, Kooxaha qaarkood waxay u muuqataa in ayna muhiimad u lahayn sida uu mustaqbalku hubanti la’aan u yahay waana kooxaha ay wadamadu leeyihiin ama ay leeyihiin ragga maal qabeenada siyaasada saamaynta ku leh(Ruuska) taasi waa xaqiiqda”.

Intaas kadib Klopp ayaa tilmaamay in ay kooxdiisa Liverpool ka duwan tahay wuxuuna yidhi: “Anagu waxaanu nahay koox nooc kale ah, waxaanu labadii sanadood ee ugu danbeeyay gaadhnay finalka Champions League, sanadkii hore ayaanu ku guulaysanay, waxaanu xili ciyaareedkii la soo dhaafay noqonay Championska Premier League, anaga oo ah kooxda aanu nahay oo la noo hogaaminayo sida la noo hogaaminayo”.

Klopp ayaa tilmaamay in aan siyaasada suuqa ee kooxdiisa lagu badali karin hal habeen oo ayna Chelsea ku dayan karin wuxuuna yidhi: “Anagu hal habeen kuma badali karno oo ma odhan karno” Sidaa daraadeed waxaan doonaynaa in aan u dhaqano sida Chelsea oo kale, hadda waxaan doonaynaa in aan sidooda oo kale u dhaqano, hadda ciyaartoy badan ayay la soo saxiixdeen”.

“Taasi faa’iido ayay noqon kartaa dabcan, laakiin taas micnaheedu ma aha in ay dhamaantood si deg deg ah iskugu haboonaan karaan, ma aha kaliya in aad keento tayada. Ma awoodid in aad keento 11 ka xidig ee aduunka ugu fiican oo aad usbuuc kadib rajayso in ay kubbada cagta abid ugu fiican ciyaaraan” ayuu Klopp hadalkiisa raaciyay.

Klopp ayaa tilmaamay waxa ka muhiimsan in ciyaartoyda ugu fiican oo dhan lala soo saxiixdo wuxuuna yidhi “Waxay ku saabsan tahay ku wada shaqaynta xarunta tababarka, anaga taasi faa’iido ayay noo ahaan kartaa, waqti badan ayuu midkaayaba kan kale la soo shaqeeyay, laakiin waan ogahay in dadku ayna doonayn in ay taas maqlaan”.

Klopp ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Laakiin sanadkii hore ayaanu samaynay si ka fiican ee sababahayaga, sababaha kooxda, markastaba waxaanu doonaynaa in aanu horumar samayno, waxaanu markastaba doonaynaa in aanu kooxda horumarino, laakiin qaabab kala duwan ayaa jira”.