Jurgen Klopp Ayaa Doonaya Inuu Kooxdiisa Ku Soo Xoojiyo Ciyaartoy Ka Ciyaara Kooxda Real Madrid?

Jurgen Klopp Ayaa Doonaya Inuu Kooxdiisa Ku Soo Xoojiyo Ciyaartoy Ka Ciyaara Kooxda Real Madrid?
Jurgen Klopp Ayaa Doonaya Inuu Kooxdiisa Ku Soo Xoojiyo Ciyaartoy Ka Ciyaara Kooxda Real Madrid?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu kooxdiisa kusoo xoojiyo saxeexa kubad sameeyaha Real Madrid ee Isco Alcaron oo u muuqda mid waayay booskiisii kooxdaas.

Sida lagu sheegay wargeyska El Desmarque oo xogtan soo tabiyay, Klopp ayaa aaminsan in Isco uu khadkiisa dhexe kusoo kordhin doono hal abuur sidoo kalena oo qaabab kala duwan u anfici karo kooxdiisa.

Isco ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay inuu ka baxayo Bernabeu xilli uu qaab isku dhafan ku bilawday qaybtii hore ee xilli ciyaareedka, Inuu kaliya 10 kulan kusoo bilawday xilli ciyaareedkan ayaa dabka kusii shidaysa fursada uu ku bixi karo xagaaga.

Haddaba, Marka laga yimaado xaalada hoos u dhac ee uu Isco ku jiro haatan iyo sida uusan kooxda muhiimka ugu ahayn haddana Los Blancos ayaa lagu soo warramayaa inay lacag badan ku doonayso iibkiisa.

El Desmarque ayaa sheegaya in madaxweynaha Madrid ee Floerinto Perez uusan wax ka hooseeya 70 Milyan oo euro ku aqbali doonin inuu fasaxo Isco.

Dalab ka yimid koox aan magaceeda la xusin oo 56 Milyan ahayd ayaa xilli horeba la diiday taas oo muujinaysa meesha fog ee ay Real ka taagan tahay inay qiimo hooseeya ku fasaxdo xiddigeeda.

Ugu dambayn, In Isco uu u wareego Anfield oo warkani xaqiiqo buuxda noqdo ayaa ka dhignaan doonta inuu Reds ku kordhin karo hal abuur khadka dhexe ah oo ahaa waxa ay la’aayeen sanadihii ugu dambeeyay tan iyo bixitaankii Philippe Coutinho.