Junior Firpo Ayaa Yidhi Wakhtigii Aan Yaraa Wax Jacayl ah umaan Haynin Kubada Cagta Muxuuse Kale Oo Yidhi.

Junior Firpo Ayaa Yidhi Wakhtigii Aan Yaraa Wax Jacayl ah umaan Haynin Kubada Cagta Muxuuse Kale Oo Yidhi.
Junior Firpo Ayaa Yidhi Wakhtigii Aan Yaraa Wax Jacayl ah umaan Haynin Kubada Cagta Muxuuse Kale Oo Yidhi.

Daafaca bidix ee kooxda Barcelona ee Junior Firpo ayuu ka soo yeedhay hadal qariib ah oo aan noociisa oo kale laga maqal inta ugu badan xiddigaha kubadda cagta ka dib markii uu xusay inuusan wax jacayl ah u haynin kubadda wakhtigii uu yaraa.

Firpo ayaa sanadihii ugu dambeeyay koritaan weyn ka sameeyay heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta isaga oo markii hore isku soo muujiyay Real Betis kahor intii uusan usoo wareegin Barcelona.

Firpo oo u warramayay majalada rasmiga ah ee Barcelona ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee loogu sheegay inuu kubadda cagta ciyaaraa ay ahaan jirtay inuu asxaab samaysto wakhtigiisii carruurnimo.

Sidoo kale da’yarkan ree Spain ayaa sheegay in marka uu tababarka ka yimaado uu oohin qabsan jiray gurigooda kaddibna uu sheegi jiray inuu doonayo inuu iska joojiyo ciyaarista kubadda.

Junior Firpo ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxa la i ciyaarsiiyay kubadda cagta sababtoo ah si aan u samaysto asxaab, Maan jeclayn ciyaarista kubadda cagta”.

“Waan dhammaysan jiray tababarka galab kasta guriga ayaanan iman jiray aniga oo ooyaya, Waxaan odhan jiray waxaan doonayaa inaan iska joojiyo kubadda cagta sababtoo ah maan garanayn waxa ay rahay, Maan jeclayn”.

Ugu dambayn, Firpo oo ka hadlaya inuu maanta kooxdiisa la booqan doono garoonkiisii hore ee Estadio Benito Valmarin ayaa yidhi “Maalin khaas ah ayay ii noqon doontaa aniga”.