Josep Maria Bartomeu Ma Ka Dhabayn Doonaa Sidii Uu Lionel Messi Ugu Sii Nagaan Lahaa Garoonka Camp Nou?

Josep Maria Bartomeu Ma Ka Dhabayn Doonaa Sidii Uu Lionel Messi Ugu Sii Nagaan Lahaa Garoonka Camp Nou?
Josep Maria Bartomeu Ma Ka Dhabayn Doonaa Sidii Uu Lionel Messi Ugu Sii Nagaan Lahaa Garoonka Camp Nou?

Ka sokow dhibaatada dhaqaale ee baaxadda leh ee kooxaha kubadda cagta adduunka uu ku keenay xanuunka aafada ah ee Coronavirus, Madaxweynaha Barcelona, Josep Maria Bartomeu waxa uu ku mashquulsan yahay sidii uu xiddiga kooxdaas ee Lionel Messi ugu sii hayn lahaa Camp Nou, iyadoo uu usoo bandhigayo heshiis cusub oo degdeg ah, kaas oo uu kaga joojinayo in dhamaadka xili ciyaareedka uu iskaga baxo kooxda uu cimrigiisa oo dhan usoo ciyaarayay.

Qandaraaska uu Messi kula jiro Barcelona waxa uu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedka dambe ama badhtamaha sannadka 2021, laakiin waxa uu xor u yahay in marka uu dhamaado xili ciyaareedkan ama bisha June ee foodda inagu soo haysa uu iskaga tago iyadoo xattaa aanay naadigiisu ku xidhaynin lacag.

Bartomeu oo arrintan ay walaac ku hayso, waxa uu kulan la yeeshay aabbaha dhalay Lionel Messi oo lagu magacaabo Jorge Messi horraantii bishan, waxaanay kala xaajootay sidii uu qayb uga noqon lahaa in kabtanka Argentine lagu qanciyo inuu Camp Nou sii joogo.

Waxa la rumaysan yahay in xidhiidhka Messi iyo madaxda Barcelona aanu wanaagsanayn intii ay soo baxday fadeexaddii ruxday naadiga ee ahayd in madaxweyne Bartomeu uu shirkadda I3 Ventures lacag ku siiyey inay ceebayso xiddigan iyo halyeeyo hore oo naadiga ah, sidoo kalena waxa aanay isku wanaagsanayn Eric Abidal oo uu si cad ay isugu jawaabeen warbaahinta.

Sida uu qoray wargeyska AS ee ka soo baxa waddanka Spain, Bartomeu waxa uu Messi ka doonayaa inuu hal sano oo kale oo heshiis ah saxeexo, ugu yaraanna aanu xilligan dhibaatada dhaqaale jirto ka bixin Camp Nou.