Home Premier League

John Arne Riise Iyo Inan uu Dhalay Loola Cararay Cisbitaalka Ka Dib Markii Ay Galeen Shil Gaadhi?

John Arne Riise Iyo Inan uu Dhalay Loola Cararay Cisbitaalka Ka Dib Markii Ay Galeen Shil Gaadhi?
John Arne Riise Iyo Inan uu Dhalay Loola Cararay Cisbitaalka Ka Dib Markii Ay Galeen Shil Gaadhi?

Xiddigii hore ee difaaca uga ciyaari jiray Liverpool ee John Arne Riise iyo inan uu dhalay ayaa loola cararay cusbitaalka kaddib markii ay dalka Norway ku galeen shil baabuur.

Riise oo Liverpool u ciyaaray ku dhowaad 350 kulan iyo gabadh yar oo uu dhalay ayaa xalay saqdii dhexe shil ku galay Lerstad xilli ay saacaddu ku beegnayd 2am.

John Arne Riise retires from football - Liverpool FC

Lama sheegin sida ay tahay xaaladda Riise hase yeeshee warbixin ay boolisku soo saareen ayay ku sheegeen in labadoodaba loo qaaday cusbitaal oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo.

 Riise was believed to e driving daughter Ariana, 19, home

Erland Bakke oo ah wakiilka Riise ayaa xaqiijiyey Riise oo 39 jir ah iyo inantiisa Ariana ay galeen shil xilli ay ku socdeen guriga.

“Inantiisa Ariana ayuu u qaaday gurigooda Alesund, ka hor intii aanay imanina waxay la kulmeen caqabad waddada ah oo sababtay in John Arne Riise uu si degdeg ah ugu leexday dhinaca bidix ayna isku dhaceen baabuur kale.” Ayuu yidhi Erland Bakke.

 The former Kop hero is now based back in Norway with his family

Warar kale ayaa sheegaya in xaaladda Riise iyo inantiisuba fiican tahay oo saaka subaxnimadii loo ogolaaday inay ka baxeen cusbitaalka, kuna laabtaan gurigooda, maadaama aanay qabin dhaawacyo waaweyn.

Warbixin ay boolisku soo saareen ayaa waxay iyaguna ku sheegeen in uu badhtamaha waddada weyn ka dhacay shil, balse labada qofba ay miyir qabaan oo aanay dhaawacyo culusna jirin.