Home Premier League

Jimmy Greaves Ayaa Loola Cararay Cisbitaalka Markii Ay Kooxda Tottenham Xaqiijisay Warkan?

Jimmy Greaves Ayaa Loola Cararay Cisbitaalka Markii Ay Kooxda Tottenham Xaqiijisay Warkan?
Jimmy Greaves Ayaa Loola Cararay Cisbitaalka Markii Ay Kooxda Tottenham Xaqiijisay Warkan?

Laacibka weyn ee kooxda Tottenham Jimmy Greaves ayaa loo qaaday isbitaal, sida ay xaqiijisay kooxda Premier League Ka Tirsan

Spurs ayaa soo saartay warbixin goor dambe oo salaasadii shalay ah si ay u xaqiijiso in 80-jirkan la aqbalay iyo inay xiriir la leeyihiin qoyskiisa “Waxaan xaqiijin karnaa in gooldhaliyaheena Jimmy Greaves haatan lagu dabiibayo cisbitaal”

Waxaan la xiriireynaa qoyskiisa waxaana bixin doonaa cusbooneysiin dheeri ah waqtigiisa, Qof walba oo kooxda ka tirsan wuxuu hamigiisa ugu diraa Jimmy iyo qoyskiisa. ”

Greaves ayaa u dhaliyay Spurs 266 gool Spurs intii u dhaxeysay 1961 iyo 1970 wuxuuna dhaliyay 44 gool 57 kulan uu u saftay England.

Isugeyntiisii 357-aad ee uu ka dhaliyay Horyaalka Ingiriiska waa tirada ugu badan ee taariikhda tartankan.

Greaves wuxuu ku dhacay istaroog sanadkii 2015 taas oo keentay inuu si daran u naafo noqdo, in kasta oo wiilkiisa Danny uu ku adkeystay bishii Febraayo inuu ku sii nagaado “niyad wanaagsan”.