Jadon Sancho Oo Laga Yaabo Inuu Ku Biiro Kooxda Chelsea £102m.

Jadon Sancho Oo Laga Yaabo Inuu Ku Biiro Kooxda Chelsea £102m.
Jadon Sancho Oo Laga Yaabo Inuu Ku Biiro Kooxda Chelsea £102m.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa lagu soo waramayaa inuu bixiyey Ogolaansho kooxdiisa u saamaxaya inay dalab 102 milyan ginni ah ku dalbadaan weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

19 jirkan ayaa mar kale qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan 2019-20, isagoo dhaliyay 13 gool isla markaana caawiye ka noqday 14 caawin 25 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Manchester United, Manchester City iyo Liverpool ayaa dhamaantood lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddigan heerka caalami ah ee u dhashay dalka England, kaasoo la rajeynayo inuu raadsado koox cusub inta lagu gudo jiro suuqa kala iibsiga.

Si kastaba ha noqotee, sida ay sheegayaan wararka hoose ka imanaya Spain, Chelsea ayaa ku rajo weyn inay garaacdo kooxda ay ku xafiiltamayaan saxiixa Sancho iyagoo dalabkooda koowaad ka bilaabay addun lacageed oo dhan £ 102m oo giniga ingiriiska ah.

Blues ayaa lagu soo waramayaa inay tahay kooxda kaliya ee haatan diyaar u ah inay ka kor marto 100 milyan oo ginni, sancho ayaa iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisii hore ee Man Citytaas oo aakhirkii sababtay inuu dortmund ku biiro sanadkii 2017.

Kooxda Frank Lampard ayaa xor u ah inay ka adeegtaan suuga kala iibsiga bisha Janaayo ka dib markii laga joojiyay ganaax ay FIFA ku rogtay kuna guulaysteen racfaan ay qaateen.