Jadon Sancho Ayaa Kala Doortay Kooxda Uu Sida Rasmiga ah Ugu Biiri Doono Hadaba Waa Kooxdee?

Jadon Sancho Ayaa Kala Doortay Kooxda Uu Sida Rasmiga ah Ugu Biiri Doono Hadaba Waa Kooxdee?
Warka Ka Soo Baxay Kooxda Borussia Dortmund Ma Yahay Mid Farxad Galinaya Jadon Sancho Oo Tartan Loogu Jiro?

Xiddiga da’da yar ee garabka weerarka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa kala dooran doona Manchester United iyo Real Madrid kaddib markii ay Chelsea ka baxday tartanka.

20 jirkan reer England oo lagu qiimeeyo £100 miyan ayaa la filayaa inuu ka tago Borussia Dortmund xagaagan soo aaddan, inkasta oo aan la hubin haddii uu saamaynta xanuunka Coronavirus isbeddel ku keeni karto bixitaankiisa.

Xili ciyaareedkan socda, waxa uu laacibkani qabsaday indhaha kooxaha waaweyn isaga oo dhaliyey 17 gool 19 kalena caawiye ka noqday kulamadii kooxdiisa ee horyaalka Bundesliga iyo Champions League.

Sida uu qoray wargeyska Diario Madridista ee kasoo baxa Spain, Sancho wuxuu u dhexeeyaa Old Trafford iyo Santiago Baernabeu oo uu kala dooran doono, laakiin ciyaartoygan ayay taageereyaasha oo uu bartiisa bulshada ugaga jawaabayay su’aalo, waxay si toos ah ah u weydiiyeen kooxda uu ku biirayo.

Sancho ayaa intii hore oo dhan ka warwareegay ka jawaabista su’aalaha la xidhiidha mustaqbalkiisa, hase yeeshee xilli dambe ayaa uu qaab farsamaysan uga jawaabay, una doortay kooxda uu ku biiri doono.

Mid ka mid ah taageereyaashii su’aalaha weydiinayay ayaa ku yidhi: “Caagadda biyaha ah ee ku hortaalla furka ka fur oo cab haddii aad ku biiraysid Manchester United”

Sancho ayaa sameeyey sidii uu taageeruhu ka dalbaday, waxaanu furka ka furay caagad biyo ah oo hortiisa taallay oo uu cabbay.