Jack Grealish Oo Kooxda Man United Lala Xidhiidhinaayo Ayaa Shil Gaadhi Galay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey?

Jack Grealish Oo Kooxda Man United Lala Xidhiidhinaayo Ayaa Shil Gaadhi Galay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey?
Jack Grealish Oo Kooxda Man United Lala Xidhiidhinaayo Ayaa Shil Gaadhi Galay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey?

Xiddiga khadka dhexe uga  ciyaara kooxda Aston Villa ee Jack Grealish oo watay baabuur noociisu yahay Range Rover ee uu ku iibsaday £80,000 Gini ayaa galay shil.

 A parked Mercedes also shows some battle scars

Kabtanka Aston Villa ayaa bannaanka usoo baxay xilli uu dalka Ingiriisku xidh-xidhan yahay oo dadka lagu amray inay guryahooda joogaan, hase yeeshee laacibkan ayaa lagu sawiray isaga oo garab taagan baabuurkiisa shilka galay, halkaas oo ay ciidamada boolisku ugu tageen.

 Jack Grealish was seen talking to onlookers while wearing one black slipper and a white slip-on sandal

Shilkan oo fadeexad ku noqday Grealish maadaama uu waxyar ka hor intii aanu bannaanka usoo bixin bartiisa bulshada ku baahiyey muuqaal uu bulshada ugaga digayo xanuunka Coronavirus iyo inay bannaanka u baxaan, uguna tilmaamay inay guryahooda joogaan si ay uga badbaadaan caabuqa, ayaanu wax khasaare ah kasoo gaadhin naftiisa, hase yeeshee waxa waxyeello soo gaadhay baabuurkiisa.

 The star allegedly wrecked the £80k car

24 jirkan ayaa ayaa isku dayay inuu dib u-galo baarkin baabuurta la dhigto, waxaanu si fiican ugu toosin kari waayay laynka loogu talo-galay, isagoo dhinaca ku xoqay baabuur yar oo kale oo midabkiisu dahabi yahay oo halkaas sii yaallay.

 Damage on a silver van that Jack Grealish allegedly caused

Goob-joogeyaal ayaa sheegay in shilku aanu hal baabuur oo kaliya ku ekayn ee uu laba gaadhi oo noocoodu yahay C-Class Mercedes oo qiimihiisu yahay £30,000 iyo Mercedes kale oo midabkiisu buluug yahay oo qiimihiisu yahay £20,000 oo uu dhexdooda doonayay inuu galo uu labadaba jiidhay.

 Jack Grealish urged fans to stay home just hours before the crash