Jack Grealish Oo Doortay Koox Ka Mida Kooxaha Ugu Tunka Weyn Horyaalada Qaarada Yurub.

Jack Grealish Oo Doortay Koox Ka Mida Kooxaha Ugu Tunka Weyn Horyaalada Qaarada Yurub.
Jack Grealish Oo Doortay Koox Ka Mida Kooxaha Ugu Tunka Weyn Horyaalada Qaarada Yurub.

Kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish oo ay doonayeen qaar ka mida kooxaha ugu muruqa weyn qaarada Yurub ayaa lagu soo warramayaa inuu doortay ku biirista Manchester United suuqa xagaagan soo socda.

24 sano jirkan ayaa kooxdiisa Villa ku sii negaaday suuqii January xilli ay baahi weyn u qabaan oo ay ka dagaalamayaan inay ku laabtaan horyaalka heerka labaad laakiin waxa loo badinayaa inuu xagaaga koox cusub ku biiri doono.

Grealish ayaa la fahamsan yahay inuu bilaabay inuu guri ka raadsado magaalada Manchester waxaana la fahamsan yahay in heshiis mudo dheer ah oo uu u saxeexo United uu ku qaadan doono in ka badan 100,000 ee Pound ee uu haatan toddobaadkii ka qaato kooxdiisa.

Toddobada gool iyo shanta caawimo ee uu xilli ciyaareedkan usoo sameeyay Villa ayaa ah kuwo muhiim u ahaa iyadoo mid kamida goolashaasi uu ahaa laad cajiib ah oo uu Manchester qudheeda kaga dhaliyay Old Trafford.

Man United ayaa haatan halka ugu sarreysa ee safka loogu jiro Jack waxaana ku qasbaya hunaanti la’aanta mustaqbalka Paul Pogba oo loo badinayo inuu suuqa soo socda ka huleeli doono.

United ayaa la saadaalinayaa inay heshiis kasta oo uu Pogba ku baxo lacagaha kasoo gala ay ku bixin doonaan Grealish oo sidoo kale ku haboon siyaasadooda suuqyadii ugu dambeeyay ee ahayd inay la saxeexdaan xiddig English ah oo gudaha UK ku koray.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Red Devils ee Ed Woodward ayaa la fahamsan yahay inuu wado qorshe uu ku dirayo xiddigaha mushaharaadka badan ka qaata kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Waxa xusid mudan in Jack Grealish uu dhawaan sheegay in ku ciyaarista gegida Old Trafford ay u tahay riyo uu mudo dheer lahaa taas oo gacanta sarre ka siinaysa Man United tartanka kooxaha kale.