Iyadoo Hore Uu Ciyaartoy Uga Maqnaa Ayaa Hadana Laba Ciyaartoy Oo Kale Tababarkii Maanta Ka Maqnaadeen Kooxda Barcelona?

Iyadoo Hore Uu Ciyaartoy Uga Maqnaa Ayaa Hadana Laba Ciyaartoy Oo Kale Tababarkii Maanta Ka Maqnaadeen Kooxda Barcelona?
Iyadoo Hore Uu Ciyaartoy Uga Maqnaa Ayaa Hadana Laba Ciyaartoy Oo Kale Tababarkii Maanta Ka Maqnaadeen Kooxda Barcelona?

Xaalada kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid aan ka soo raynayn isla markaana ka sii daraysa kadib markii ay tababarkii maanta seegeen laba difaac oo ka mid ahaa kuwii shaxda Setein ku soo bilawday kulankii ay guusha ka gaadheen Real Betis.

Nelson Semedo iyo Samuel Umtiti ayaa maanta ka soo muuqan waayay xerada tababarka Barcelona waxayna tani walaac wayn ku tahay tababare Setein kaas oo uu markii hore ganaax kaga maqnaa Clement Lenglet.

Clement Lenglet ayaa kaadhka cas loo taagay kulankii Real Betis wuxuuna seegi doonaa kulanka ay sabtida Barcelona soo dhawayn doonto kooxda Getafe laakiin maqnaanshihii maanta ee Semedo iyo Umtiti ayaa xaalada sii xumeeyay.

Laakiin warka kaliya ee fiican ee ay Barcelona maanta heshay waxa uu ahaa in Gerard Pique uu tababarka ku soo laabtay kadib dhaawicii ku soo gaadhay kulankii Copa Del Rey ee Athletic Bilbao.

Samuel Umtiti waxaa la sheegay in uu dhibaato ka dareemay jilibka taas oo walwalka sii kordhinaysa maadaama oo uu waqti dheer ku maqnaa dhaawac jilibka ah.

Haddii uu Umtiti seego kulanka Getafe waxay Barca ku dhici kartaa xaalad difaac dhexe la’aan ah iyada oo aan wali la ogayn haddii uu Pique taam buuxa u noqon karo kulanka Getafe.

Markii uu Lenglet kaadhka cas qaatay waxaa difaaca dhexe Umtiti la buuxiyay kulankii Real Betis xidiga khadka dhexe ee Sergio Busquets kaas oo ah doorashada kaliya ee uu Setein isku badbaadin karo haddii uu waayo mid ahaan Umtiti iyo Pique halka Lenglet ay hubaal tahay in uu ganaax ku maqnaan doono.

Barcelona waxay inta xili ciyaareedkan ka hadhsan ka maqnaan doona Luis Suarez iyo Ousmane Dembele oo qaliino kala duwan maray.

Inkasta oo ay Barcelona wali dagaal ugu jirto in ay soo qabto Real Madrid oo saddex dhibcood kaga haysa hogaanka La Liga, haddana xaalada dhaawacyada ee kala duwan ee soo food saartay xidigaha Barca ayaa xaalada ku sii xumaysanaysa Setein.