Home Serie A

Iyadoo Hore Kooxdiisa Juventus u Shaacisay Inuu Qabo Xanuunka Coronavirus Ayuu Hadana Fariin Diray Daniele Rugan?

Iyadoo Hore Kooxdiisa Juventus u Shaacisay Inuu Qabo Xanuunka Coronavirus Ayuu Hadana Fariin Diray Daniele Rugan?
Iyadoo Hore Kooxdiisa Juventus u Shaacisay Inuu Qabo Xanuunka Coronavirus Ayuu Hadana Fariin Diray Daniele Rugan?

Daafaca dhexe ee kooxda Juventus ee Daniele Rugani oo dhawaan laga helay xanuunka dunida ku faafaya ee Coronavirus ayaa markii ugu horreysay hadlay isaga oo adeegsanaya barta bulshadu ay ku kulanto ee Insstagram.

Juventus ayaa xalay si rasmi ah u shaacisay in 25 sano jirka kooxdeeda laga helay xanuunkaasi walow ay shaaca ka qaaday inuusan lahayan calaamadihii xanuunkaasi.

Image result for Daniele Rugan

Dhammaan xiddigaha Juventus oo uu Rugani la joogay guushii ay ka gaadheen Inter Milan ayaa la karantiilay halka Cristiano Ronaldo oo ku maqan magaalada uu kasoo jeedo ee Madiera uu go’aansaday inuu magaaladiisa joogo in mudo ah.

Rugani ayaa Instagram inuu haatan fiican yahay oo uu u mahad celinayo dhammaan shaqsiyaadka la tacaalaya xanuunkaas isagoo ugu dambayn bulshada u sheegay inay dhammaantood raacaan shuruucda.

Image result for Daniele Rugan

“Waad akhrin doontaan wararka taasina waa sababta aan doonayo inaan shakiga uga saaro dhammaan kuwa aniga iga wer-werayay, Waan wanaagsanahay” Ayuu ugu horreynba Rugani ku yidhi qoraalkiisa Instagram.

“Wakhti xaadirkan, Si kastaba waxaan dareemayaa in badan waajibaadka aan ugu mahad celinayo dhammaan dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha ku dhibtoonaya cisbitaalada si ay u wajahaan xaaladan deg-dega ah”.

Image result for Daniele Rugan

“Waxaan ku xoojinayaa qofkasta inuu ixtiraamo sharciyada sababtoo ah Virus-kani ma samaynayo wax kala saarid ah, Aynu u samayno nafaheena, Kuwa aynu jecel nahay iyo kuwa inagu hareeraysan”.