Home League 1

Iyadoo Hakad Ku Jiro Ciyaaraha Kala Duwan Ee Aduunka Siiba Horyaalada Qaarada Yurub Ayaa Hadana Ciyaartoy Qiimeeyey Xanuunka Coronavirus?

Iyadoo Hakad Ku Jiro Ciyaaraha Kala Duwan Ee Aduunka Siiba Horyaalada Qaarada Yurub Ayaa Hadana Ciyaartoy Qiimeeyey Xanuunka Coronavirus?
Iyadoo Hakad Ku Jiro Ciyaaraha Kala Duwan Ee Aduunka Siiba Horyaalada Qaarada Yurub Ayaa Hadana Ciyaartoy Qiimeeyey Xanuunka Coronavirus?

Horyaallada Yurub oo dhan way taagan yihiin, inkasta oo waqti cusub loo qabtay dibu-bilaabanshahoodana, waxa jira hubanti la’aan maadaama uu dunida kusii faafayo xanuunka Coronavirus.

Dad badan ayaa ku doodaya in aanay suurtogal ahayn in horyaalladu bilaabmaan gaar ahaan Talyaaniga, iyadoo la ogyahay in xalay oo ugu dambaysay uu xanuunkani ku dhacay xiddiga Juventus ee Paulo Dibala iyo gacalisadiisa, isla markaana uu Madaxweynihii hore ee Real Madrid u geeriyooday isla xalay.

Dadka aaminsan in aanay suurtogal ahayn in horyaalku dib u bilaabmo waxa ka mid ah xiddiga AS Roma ee Jvier Pastore, sababtoo ah, maalintii Sabtidii ee shalay oo kaliya waxa waddanka Talyaaniga caabuqan ugu geeriyooday 790 qof, waana dhimasho madax-xanuun iyo murugo ku abuuraysa adduunka.

“Waynu arki doonaa haddii aynu xili ciyaareedkan mar kale ciyaari doono amaba xili ciyaareedka xiga. Haddii aan si daacad ah u hadlo, waxay ila tahay in aanay macquul ahayn in la dhamaystiro xili ciyaareedka, maadaama aanu u u baahanahay ugu yaraan 20 ilaa 30 maalmood oo aanu tababar samayno ka hor ciyaaraha” Ayuu yidhi Patore oo u warramay idaacadda Radio Impacto.

“Dhamaan kooxuhu lacag ayay luminayaan, laakiin aniga waxay ila tahay in aanay suurtogal ahayn in dib loo bilaabo, waxaanu dhamaan doonaa xilli dambe, markaana waa in dib loo riixo xili-ciyaareedka xiga, taas oo aan iyaduna suurtogal ahayn maadaama Euro iyo Copa America iyo tartamo kale la dheeli doono.” Ayuu raaciyey.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ururka ciyaartoyda Talyaaniga (AIC), Damiano Tommasi ayaa sheegay in xili ciyaareedka uu dib u bilaabmi karayo bilaha May ama June, haddii xanuunka COVID-19 laga adkaado.