Iyadoo Ay Socota Halista Laga Qabo Cudurka Coronavirus Ayaa Hadana Saamayn Ku Yeelanaysa Kulamadii Axada Ee Horyaalka Taliyaaniga?

Iyadoo Ay Socota Halista Laga Qabo Cudurka Coronavirus Ayaa Hadana Saamayn Ku Yeelanaysa Kulamadii Axada Ee Horyaalka Taliyaaniga?
Iyadoo Ay Socota Halista Laga Qabo Cudurka Coronavirus Ayaa Hadana Saamayn Ku Yeelanaysa Kulamadii Axada Ee Horyaalka Taliyaaniga?

Ciyaaraha horyaalka Talyaaniga ee dhici lahaa maanta oo Axad ah ayaa la baajiyey, kaddib markii uu dalkaas ka dillaacay xanuunka halista ah ee Coronavirus oo qofkii labaad ku dilay muddo 24 saacadood ka yar.

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay, waxa uu kaga hadlay xaaladda dalkiisa ee xanuunkan, waxaanu dalbaday in aan maanta la furin garoomada kubadda cagta ee ka dhici lahaa laba gobol iyo meelaha ay dadka badan isugu yimaaddaan si loo yareeyo khatarta ah in uu sii faafo xanuunkani.

“Wasiirka ciyaaraha Vincenzo Spadafora waxa uu joojinayaa dhamaan ciyaarihii qorshaysnaa maanta oo Axad ah ee ka dhici lahaa gobollada Veneto iyo Lombardy.” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaruhu, laakiin muu sheegin tallaabada xigta iyo haddii ay go’doomin doonaan labadaasi gobol.

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa go’aanka dibu-dhigista ciyaaruhu saamayn ku yeelanayaa, waxaana baaqatay kulankii ay la ciyaari lahayd Sampdoria caawa, laakiin waxa kale oo iyagana dib loo dhigay laba ciyaarood oo kale oo horyaalka Serie A ka tirsan, Verona vs Cagliari iyo Atalanta vs Sasuolo ayaan la ciyaari doonin.

Inter Milan ayaa barteeda Twitterka waxay jamaahiirteeda kula wadaagtay in aanay ciyaari doonin maanta oo kulankoodii dib loo dhigay, Maalintii shalay ee Sabtidii, waxa kale oo dib loo dhigay dhawr ciyaarood oo heerarka hoose ah.