Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka Oo La Sameeyay.

Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka Oo La Sameeyay.

Waxaa la soo saaray isku aadka wareega shanaadka ee FA Cupka iyada oo kooxaha waa wayn ee Premier league ay ogaadeen halka ay ka sii wadan doonaan dagaalka ay koobka tartankan ugu jiraan.

Kooxda difaacanaysa koobka FA Cupka ee Manchester City ayaa lagu aadiyay yar ee Sheffield Wednesday F.C, waana isku aad kale oo fiican oo uu Guardiola soo dhawayn doono.

Liverpool oo kulan ku celis ah la ciyaari doonta kooxda Shrewsbury ayaa haddii ay carruurta kooxdeedu kulankan soo dhaafaan waxay Reds wareega shanaad ee FA Cupka la ciyaari doontaa kooxda Chelsea waana kulan wayn oo Klopp uu go’aankiisa badali doono haddii marka hore ay da’yartiisu soo dhaafaan Shrewsbury.

Liverpool ayaa Stamford Bridge marti ku noqon doonta haddii carruurta kooxdeedu ay soo dhaafiyaan Shrewsbury waana kulan kale oo jadwalka kulamada Reds sii xumayn kara haddiiba ay tartankan ku sii jiraan.

Manchester United oo wareegii afraad ku soo gumaaday kooxda yar ee Tranmere ayaa wareega shanaad lagu beegay midkii soo baxa kooxaha Derby County oo uu Wayne Rooney hogaaminayo iyo Northampton Town midkii kulanka ku celiska ah soo dhaafa.

Arsenal oo kulankeeda wareega afraad la ciyaaraysa Bournemouth ay la ciyaari doonto kooxda Portsmouth haddii ay soo dhaafaan Bournemouth.

Kulamada wareega shanaad ee FA Cupka waxaa la ciyaari doonaa todobaadka ka bilaamaya March 2,2020.

Halkan kaga bogo Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka Oo Dhamaystiran:

Sheffield Wednesday v Manchester City

Reading/Cardiff v Sheffield United

Chelsea v Shrewsbury/Liverpool

West Brom v Newcastle/Oxford

Leicester v Coventry/Birmingham

Northampton/Derby v Man Utd

Southampton/Tottenham v Norwich