Inter Milan Ayaa Isku Dayeysa Inay La Soo Saxiixato Messi, Man United Ayaa Eeganaysa James Iyo Chelsea Oo Ku Dhow Heshiiska Coutinho?

Inter Milan Ayaa Isku Dayeysa Inay La Soo Saxiixato Messi, Man United Ayaa Eeganaysa James Iyo Chelsea Oo Ku Dhow Heshiiska Coutinho?

Messi ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Inter tan iyo markii uu gudoomiyihii hore ee kooxda Massimo Moratti uu sheegay in ku guuleystaha lixda jeer abaalmarinta Ballon d’Or uu ku soo biiray kooxda ka dhisan Serie A aysan aheyn riyo la mamnuucay.

32 jirka mustaqbalkiisa Camp Nou wuxuu cinwaanno ka dhigay xilli ciyaareedkii 2019-20, Inter ayaa si dhab ah uga shaqeyneysa inay isku dayaan inay la soo wareegaan halyeeyga Barcelona Lionel Messi sida laga soo xigtay TNT Sports.

Madaxweynihii hore ee kooxda Inter Massimo Moratti ayaa sheegay in Nerazzurri ay la soo wareegtay Messi oo qandaraas kula jirtay ilaa Sanadkii 2021 in aysan aheyn wax aan macquul aheyn isla markaana wararka la isla dhexmarayay ay sii xoogeysteen tan iyo hadaladaasi.

TNT Sports ayaa sheegeysa in Inter ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho ku guuleysiga 6da jeer ee abaalmarinta Ballon d’Or, halka kooxda da’da yar ee Newell’s Old Boys ay sidoo kale dalab soo gudbiyeen.

AS Diario ayaa sheeganeysa in Manchester United iyo Juventus ay labadaba baadi goob ugu jiraan xiddiga Real Madrid James Rodriguez, Kooxaha Napoli iyo Everton ayaa sidoo kale lala xiriiriyay xiddiga heerka caalami ee dalka Colombia.

Philippe Coutinho ayaa ku dhow inuu ku laabto Premier League siday Sport sheegeyso in xiddigii hore ee Liverpool inuu ku dhow yahay inuu amaah ugu biiro Chelsea oo uu kaga yimaado Barcelona, Xiddiga reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkii 2019-20 amaah ku qaatay kooxda Bayern Munich.

Milan ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegaan xiddiga kooxda Brescia Sandro Tonali, sida laga soo xigtay Calciomercato Tababaraha reer Talyaani ayaa lala xiriiriyay kooxaha Juve, Inter iyo United.

Xiddiga Juve Paulo Dybala ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda heysata horyaalka Serie A, Calciomercato ayaa sidaas leh. Dhanka kale isla majalada ayaa sheegeysa in Juve ay xiiseyneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Roma Bryan Cristante.

Tababaraha Madrid Zinedine Zidane ayaa ceyrsanaya dareenka Rennes ee Eduardo Camavinga ayuu yidhi AS Diario Tababaraha reer France ayaa doonaya inuu la saxiixdo 17 jirka hadii Madrid aysan awoodin inay Paul Pogba ka iibiso United.

Mundo Deportivo ayaa soo warinaysa in kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ay ka mid yihiin kooxaha u dagaallamaya saxiixa Achraf Hakimi Daafaca dambeedka midig ee reer Morocco ayaa labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay amaah ku qaatay Borussia Dortmund isagoo uga yimid Madrid, waxaana kooxaha Juve, Bayern iyo Paris Saint-Germain lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan.