Ian Wright Ayaa Aad u Amaanay Hakim Ziyech Oo Chelsea Hada Ka Mid Noqon Doona Xagaaga Soo Socda?

Ian Wright Ayaa Aad u Amaanay Hakim Ziyech Oo Chelsea Hada Ka Mid Noqon Doona Xagaaga Soo Socda?
Ian Wright Ayaa Aad u Amaanay Hakim Ziyech Oo Chelsea Hada Ka Mid Noqon Doona Xagaaga Soo Socda?

Waxaa la xaqiijiyay khamiistii in Chelsea ay ogolaatay heshiis 36.6 milyan ginni ah oo ay kula soo saxiixato xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco Ziyech oo kaga iman doono kooxda Ajax xagaaga soo socda.

Ian Wright ayaa ammaanay saxiixa cusub ee Chelsea Hakim Ziyech wuxuuna tilmaamay in isaga iyo Tammy Abraham ay faa’iido u noqon doonan Blues.

26-sano jirkan ayaa ka mid ahaa xiddigihii Ajax u soo saaray wareega Semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore, halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa sheegay inuu noqon doono mid ay ka faa’ido’ Chelsea.

Image result for Ian Wright  and ziyech to chelsea

Ian Wright oo ka hadlayay saxiixa cusub kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa wuxuu yidhi “Warka ku saabsan Ziyech waxa uu ka mid yahay ciyaartoydan hal abuurka leh markaad daawaneyso Chelsea, gaar ahaan markaad ku daawato gurigaaga, waxaan u maleynayaa inay waxbadan ka filayaan ciyaartoydooda hal abuurka leh” ayuu Wright u sheegay Premier League Productions.

“Waxaan aaminsanahay in uu noqon  doono saxiix heer sare ah sababtoo ah waxaan ku aragnay bandhigiisii kooxda Ajax”.

Tammy Abraham ayaa qaab ciyaared fiican ku qaatay xilli ciyaareedkan kooxda Chelsea, wuxuu dhaliyay toddobo gool toddobadii kulan ee ugu horeysay, laakiin 2 gool ayuu dhaliyay 9kii kulan ee ugu dambeysay.