Horyaalka Xiisaha Badan Ee La Liga Oo uu Isna Soo Dhex Galay Xanuunkii Coronavirus Waxaana Sheegay Xidhiidhka Kubada Cagta Spain?

Xanuunka sida aadka ah ugu balaadhanaya dunida ee Coronavirus oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn u sameeyay kubadda cagta qaarada Yurub ayaa haatan saamayntiisa laga dareemayaa horyaalada ugu xiisaha badan Spain ee La Liga.

Sida ay sheegeen xidhiidhka kubadda cagta Spain, Labada horyaal ee ugu heerka sarreeya Spain ayaa kulamadoodii gabi ahaanba la kansalay ugu yaraan mudo laba toddobaad ah si looga hortago halista Corona.

Labadaas toddobaad ee la joojiyay kubadda cagta Spain ee ugu heerka sarreysa ayaa ah kuwo dhawaan la sheegay inay ahaan doonaan laba toddobaad oo bilaa jamaahiir ah kahor inta uusan soo bixin warkani.

Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka ee Barcelona ayaa la balansayd labadaas usbuuc kooxaha Mallorca oo ay booqanaysay iyo Leganes oo ay kusoo dhawaynaysay Camp Nou.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa labadaas toddobaad la lahayd laba kulan kooxaha kala ah Eibar iyo Valencia oo ay labadaba soo dhawaynaysay walow aan warbixin rasmi ah laga soo saarin wakhtiga kulamadaas dib loogu dhigayo.

Marka laga yimaado in horyaalka La Liga mudadaas uu fasax ahaan doono wali wax xog ah lagama hayo haddii gabi ahaanba xilli ciyaareedkan la kansalayo sida lagu xamanayo qaar kamida horyaalada ugu waaweyn qaarada Yurub.