Home Serie A

Horyaalka Serie A Wadanka Taliyaaniga Oo Bilaaban Doona Bisha June Ayaa Afarta Kulan Ee Lagu Daah Furi Doono Waxaa Ku Jira Kulan Xiiso Badan?

Horyaalka Serie A Wadanka Taliyaaniga Oo Bilaaban Doona Bisha June Ayaa Afarta Kulan Ee Lagu Daah Furi Doono Waxaa Ku Jira Kulan Xiiso Badan?
Horyaalka Serie A Wadanka Taliyaaniga Oo Bilaaban Doona Bisha June Ayaa Afarta Kulan Ee Lagu Daah Furi Doono Waxaa Ku Jira Kulan Xiiso Badan?

Ka dib markii Maalintii Khamiista Ee todobaadkii hore uu wasiirka ciyaaraha Dalka Talyaanigu ku dhawaaqay in June 20 uu xili ciyaareedka Serie A dib u furmi doono waxa uu maamulka horyaalka Talyaaniga ee Lega Serie A uu shalay jimcihii yeeshay shir uu la qaatay dhamaan 20 ka kooxood ee Serie A.

Kadib markii shirkaasi soo dhamaaday isla markaana waxyaabo badan laysla qaatay, waxaa hadda la soo saaray kulamada ugu horeeya ee xili ciyaareedka Serie A dib loogu bilaabi doono.

Afar kulan oo baaqi ka ahaa kulamadii 25 aad ee Serie A ee waqtigii uu farayska karoonuhu kubbada cagta joojiyay ayaa laysla qaatay in ay noqdaan kulamada ugu soo horeeya ee xili ciyaareedka dib loogu bilaabayo.

Afarta kulan ee laga bilaabi doono Serie A waxa la ciyaari doonaa maalmaha June 20 iyo June 21 waxaana ku jira hal kulan oo saamayn ku yeelan kara tartanka koobka Serie A.

Kulamada hadda la shaaciyay in ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya ee Serie A laga ciyaari doono ayaa kala ah kulamada dhex mari doona kooxaha Atalanta-Sassuolo, Verona-Cagliari, Inter Milan-Sampdoria iyo Torino-Parma wanaa kulamadii la ciyaari lahaa waqtigii uu karoonuhu ciyaaraha Serie A joojiyay.

“Lega Serie A waxa uu maanta qabtay shir telefoon oo ay ka soo xaadireen dhamaan 20-ka kooxood, waxayna kooxuhu soo dhaweeyeen ogolaashaha dib u bilaabiskta Serie A ee sidii uu shalay ku dhawaaqay wasiirka Spadafora ee sida aan loo kala hadhin loogu codeeyay in tartanku ka bilawdo kulamadii 25 aad ee (Atalanta-Sassuolo, Verona-Cagliari, Inter-Sampdoria iyo Torino-Parma) oo la ciyaari doono usbuuc dhamaadka June 20 & June 21 iyo jadwalaynta kulamada 27 aad oo ka bilaami doona isniinta June 22” ayaa qoraalka lagu shaaciyay.

Marka afartii kulan ee baaqiga ka ahaa wareegii 25 aad ee Serie A la ciyaaro waxaa isla isniinta June 22 la bilaabi doonaa kulamada 27 aad ee Serie A oo noqon doona kuwa sida buuxda uu xili ciyaareedku dib ugu sii furmi doono.

Kooxda Inter Milan ayaa soo dhawayn doonta Sampdoria waxayna kooxda Antonio Conte haystaa fursad ay tartanka kooxaha Serie A ugu sii xoojin karto rajada ay ka qabto in ay Juventus sii tartamaan ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

Laakiin inta ka horaysa maalinta uu xili ciyaareedka Serie A dib u furmo ee June 20 waxaa la sii ciyaari doonaa kulamada lugta labaad ee afar dhamaadka Copa Italia iyo iyo finalka tartankan.

In kasta oo la shaaciyay taariikhda iyo maalinta rasmiga ah ee uu xili ciyaareedka Serie A dib u bilaamayo waxa uu mamulka lega Serie A shaaciyay in ay maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonaan waqtiga ay kulamadani bilaami doonaan ee saacada lagu xisaabtami doono kulamadan.