Home Premier League

Horyaalka Premier League Ayaa Soo Saaray Go’aamo Adag Oo Ciyaartoyda Lagula Tacaalyo Sidii Looga Hortagi Lahaa Faafinta Xanuunka Cronavirus?

Deg Deg:- Horyaalkii Serie A Wadanka Taliyaaniga Ayaa Si Rasmi Ah Loo Joojiyey Taasi Oo La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus?
Deg Deg:- Horyaalkii Serie A Wadanka Taliyaaniga Ayaa Si Rasmi Ah Loo Joojiyey Taasi Oo La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus?

Maamulka horyaalka Premier League ayaa soo saaray go’aan adag oo ciyaaryahannada kooxuhu ay ku qasban yihiin inay hirgeliyaan si loo yareeyo khatarta xanuunka dunida ku faafaya ee Cronavirus, kaas  oo qaaradda Yurub hadda si xawli ah ugu fidaya.

Coronavirus ayaa dhibaatadii ugu weynayd ku haya dunida, waxaana kiisas badan laga helay in ka badan 87 dal oo uu ku laayay dad tiradoodu kor u dhaafayso 3000 qof, iyadoo uu haleelay ku dhowaad 100,000 qof, hase yeeshee qaaradda Yurub waxa uu faro-baas ku hayaa Talyaaniga, halka dalalka Scandinavian-ka iyo England yihiin kuwa xiga ee dadka badan laga helay.

Premier League ayaa go’aanka uu soo saaray oo lagu dhaqmi doono kulamada toddobaadkan, waxa gebi ahaanba lagu mamnuucay in ciyaaryahannadu ay isku salaamaan gudaha garoonka ka hor inta aanay ciyaartu bilaabmin.

Image result for Premier League in Coronavirus

Go’aankani waxa kale oo uu xayirayaa in labada kabtan ee kooxuhu ay garsooreyaasha gacan-qaadaan ka hor inta aanay ciyaartu bilaabmin, sidoo kalena waxa aan loo ogolayn in kulanka kaddib ay gacmaha iska salaamaan.

War-saxaafadeed lagu baahiyey shabakadda Premier League, ayaa waxa lagu yidhi: “Is-gacan-qaadka kulamada Premier League ee ciyaartoyga dhexdooda iyo garsooreyaashu ma dhici doonaan toddobaadkan illaa laga soo saarayo warbixin dheeraad ah oo la xidhiidho talooyinka caafimaadka.

“Coronavirus waxa la iskugu gudbinayaa neefsiga sanka iyo afka iyo waliba taabashada gacmaha oo la iska salaamo.”  ayuu war-saxaafadeedku ku daray.

Image result for Premier League in Coronavirus

Dhinaca kale, maamulka Premier League waxay ka fiirsanayaan in garoomo taageereyaal la’aan ah lagu ciyaaro usbuucyada soo socda haddii uu xanuunkani kasii fido sida uu hadda yahay, taas oo hore looga sameeyey waddanka Talyaaniga oo muddo bil ah mamnuucay in garoomada loosoo daawasho tago.

Horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League iyo Europa League ayaa iyagana kulamada toddobaadka soo socda laga joojin doonaa taageereyaasha, gaar ahaan ciyaaraha kooxaha Talyaanigu la dheelayaan naadiyada kale.