Horyaalka Premeir League:- Kulanka Kooxaha Arsenal Iyo Burnley.

Horyaalka Premeir League:- Kulanka Kooxaha Arsenal Iyo Burnley.
Horyaalka Premeir League:- Kulanka Kooxaha Arsenal Iyo Burnley.

Kooxda Burnley ayaa garoonkeeda Turf Moor ku martigelin doonta Arsenal oo mashaqo guulo la’aan ah dhex dabbaalanaysay xili ciyaareedka oo dhan, taas oo hadda fadhida kaalinta 10aad.

Kooxda Arsenal oo aan wax guul ah soo helin tan iyo bilowgii sannadkan 2020 ayaa waxa laga dareemayay isbeddel aan weynayn oo dhinaca qaab ciyaareedka ah, hase yeeshee waxa aan jirin guulihii iyo goolashii ay dhalinayeen, laakiin marka ay tagaan Turf Moor waxay raadin doonaan guul.

Balse xaqiiqada ayaa waxay tahay in Burnley oo si layaab leh kulankeedii ugu dambeeyey usoo garaacday Manchester United ay Mikel Arteta u geysan karto dhaawac weyn, taas oo suurtogalnimadeeda ay sii xamaasadaynayso in farqiga u dhexeeya labada kooxood uu yahay goolasha oo kaliya oo ay min 30 dhibcood haystaan.

Muddadii uu tababare Mikel Arteta xilka hayey, kaliya la ciyaarood ayay Arsenal soo guuleysatay, waxaanay ahaayeen Leeds United iyo Bournemouth oo tartanka FA Cup ka tirsanaa, balse dhinaca kale lagama adkaanin lix ciyaarood oo xidhiidh ah dhamaan tartamada, kuwaas oo intooda badan ay barbarro ku dhamaysteen.

Hadafka ugu weyn ee ay Arsenal leedahay oo ah inay usoo gudubto Europa League oo ay xili ciyaareedka dambe ka qayb-gasho, waxa uu hoos u dhacay markii ay barbarraha la gashay kooxaha Crystal Palace, Sheffield United iyo Chelsea, laakiin rajada wanaagsan ayaa waxay tahay in kaliya shan dhibcood ay ka horreyso Manchester United oo kaalinta lixaad fadhida, waxaase lix dhibcood ka horreysa Sheffield United oo shalay cidhiidhsatay booska shanaad.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Burnley ayaa soo guuleysatay laba jeer oo kaliya oo ah labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey Premier League, afarta kalena waa laga badiyey, taas beddelkeeda Arsenal ayaa hal mar oo kaliya guul soo heshay, afar barbarro ah iyo mid laga  badiyey sii raacsatay.

Arsenal ayaa dib u heli doonta weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang oo kasoo laabanaya saddex kulan oo ganaax ah, waxaanu afka hore la wadaagi doonaa Gabriel Martinelli oo dhinaca bidix kasoo muuqan doona iyo Alexandre Lacazette oo weerarka tooska ah ahaan doona.

Saxeexa cusub ee Soares ayaanu Arteta ciyaarsiin karin maadaama uu dhaawac yahay, sidoo kalena Mari ayaan taam ahayn sida  uu tababaruhu xaqiijiyey, hase yeeshee waxa uu isku abaabulan doonaa xiddigihiisa uu haysto.