Horyaalka Bundesliga Ee Wadanka Jarmalka Ayaa Noqon Doona Horyaalka Dib Ugu Hor Bilaaban Doona Bacda Hakadkii Coronavirus?

Horyaalka Bundesliga Ee Wadanka Jarmalka Ayaa Noqon Doona Horyaalka Dib Ugu Hor Bilaaban Doona Bacda Hakadkii Coronavirus?
Horyaalka Bundesliga Ee Wadanka Jarmalka Ayaa Noqon Doona Horyaalka Dib Ugu Hor Bilaaban Doona Bacda Hakadkii Coronavirus?

Horyaalka Dalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa noqday horyaalkii ugu horeeyay ee wadamada Yurub ku yaal ee si rasmi ah u xaqiijiyay maalinta dib loo bilaabayo xili ciyaareedka hakadka ugu soo jiray Coronavirus.

Madaxda horyaalka Bundesliga ayaa qalinka ku duugay in May 9 ay noqon doonto maalinta uu horyaalku dib u bilaami doono iyada oo uu noqon doono kubbada cagta horyaalada Yurub ee dib ugu soo laaban doona garoomada cidlada soo ahaa tan iyo horaantii bishii March.

Xidhiidhka kubbada cagta Germany ee German Football Federation ayaa ogolaaday in May 9 ay kooxaha horyaalka Bundesliga dib u bilaaban karaan kubbada cagta ee go’doonka ku soo jirtay.

Laakiin waxaa go’aankanla socda in aan la ogaan doonin in taageerayaasha kubbada cagta Jarmalku ay ka soo xaadiraan garoomada waxaana kulamada hadhsan lagu dhamaystiri doonaa garoomo madhan iyada oo baahin toos ah la siin doono.

Dhamaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha kubbada cagta Jarmalka ayaa ka hor laga baadhi waxaana sidoo kale la shaaciyay tirada dadka loo ogol yahay in ay garoomada ka soo muuqan karaan.

Horyaalka heerka kowaad ee Bundesliga waxaa loo ogolaaday in garoonka ay maalinta kulamada iman karaan 322 qof oo kaliyi iyada oo 100 taageere oo kala fogaan doonaa ay garoomada iman doonaan halka inta kale ay noqon doonaan ciyaartoyda, shaqaalaha tababarka iyo garsoorayaasha.

Horyaalka heerka labaad ee Bundesliga 2 waxaa loo ogolaaday in 270 qof oo kaliyi ay maalinta kulanka garoonka iman karaan iyada oo shaqaalaha, ciyaartoyda, garsoorayaasha iyo waxyar oo taageerayaal ahi ay iman doonaan.

Dhinaca kale waxay xidhiidhka kubbada cagta dalka Jarmalku ansixinta go’aankooda ka sugi doonaan dawlada oo haddaba dabcisay xayiraadii go’doonka coronavirus.

Horyaalka Jarmalku waxa uu horseed u noqon karaa horyaalada waa wayn ee Premier League, Serie A, La Liga, League 1 oo aan wali maalin rasmi ah loo qaban laakiin dhakhtar Talyaani ah ayaa Serie A siiyay hamigii ugu waynaa kadib markii uu xaqiijiyay in ayna halis badan keenayn in garoomo madhan lagu ciyaaraa.