Heshiiska Christian Eriksen Uu La Galay Kooxda Inter Milan Wuxuu Noqday Mid Uu Kula Midoobay Antonio Conti.

Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa kubad sameeyihii Tottenham ee Christian Eriksen kaas oo ay maalmihii ugu dambeeyay si weyn ugala xaajoonayeen Spurs heshiiska ay kula wareegeen.

Inter ayaa dhawaanahan ku kaliyaysatay xiisaha Christian balse waxa hore loola xidhiidhinayay kooxo ay kamid ahaayeen Juventus, Paris Saint-Germain, Man United, Barcelona iyo Real Madrid.

Image result for Antonio Conti and Christian Eriksen

Heshiiska uu Eriksen ugu wareegayo Nerazurri ayaa ah mid gaadhsiisan ilaa xagaaga sanadka 2024 taas oo la micno ah inuu saxeexay qandaraas afar sano iyo badh ah.

Lacagta ay labada kooxood ugu dambayn ku heshiiyeen ayaa la sheegayaa inay tahay 16.8 Milyan iyadoo uu 27 sano jirkani toddobaadkii mushahar ahaan uga qaadan karo Inter 320,000 kun oo Euro walow aan si buuxda loo hubin.

Image result for Antonio Conti and Christian Eriksen

Ku biiristiisa kooxda uu horkacayo tababare Antonio Conte ayaa ah mid sii xoojinaysa hammigoodii horyaalka ee xilli ciyaareedkan iyagoo haatan saddex dhibcood ka dambeeya hoggaamiyayaasha Juventus.

Suuqa bishan January ayaa ah mid ay Inter si weyn u adeeganayso haba ugu darnaadaan xiddigaha ay kala wareegayso kooxaha Premier League, Waxa xusid mudan inay hore Man United ugala wareegeen Ashley Young sidoo kalena ay Chelsea ka kaxaysteen Victor Moses.