Halkee Ayaa La Kala Marayaa Todobaadkii Sideed Liiska Gool Dhalinta Somali Premier League?

Halkee Ayaa La Kala Marayaa Todobaadkii Sideed Liiska Gool Dhalinta Somali Premier League?
Yaa Hogaaminaaya Gool Dhalinta Horyaalka Somali Premier League?

Iyadoo La Soo Ciyaaray Todobaadkii Sideedaad Tartanka Somali Premier League Ayaan Halkan Ku Eegi Doonaa Halka La Kala Maraayo Liiska Gool Dhalinta Horyaalka Somali Premier League Oo Xili Ciyaareedkan Aad La Iskugu Wada Dhowyahay.

Cabdiqaadir Aadan Eenow Benteke Iyo Faysal Xasan Xaashi Oo Kawada Tirsan Kooxda Mogadishu City Club Ayaa Kaalinta Koowaad Iyo Labaad Liiska Gool Dhalinta Ku Wada Hogaaminaya Min 7-Gool.

Abuukar Axmed Muqtar Iyo Maxamed Kyeline Oo Kawada Tirsan Kooxda Raadsan Ayaa Kaalinta Sadexaad Iyo Afaraad Ku Wada Haysta Min 6-Gool.

Kaalinta Shanaad Waxaa Fadhiya Anwar Sayid Cali Shakunda Oo Ka Tirsan Kooxda Hada Hogaanka Horyaalka Haysa Ee Elman Waxaanu Haystaa 4-Gool.

Kaalinta Lixaad, Todobaad Iyo Sideedaad Waxaa Min 4-Gool Kuwada Haysta Ciyaartoyda Emeronye Chidiebere, Jamaal Cabdiraxmaan Iyo Emenayo Victor Oo Kala Tirsan Kooxaha Gaadiidka, Elman Iyo Jazeera.

Ciyaartoyda Kaalmaha Sagaalaad Iyo Tobnaad Kala Galay Liiska Gool Dhalinta Waa Cabdicasiis Catoosh Oo Kooxda Dekadaha ah Iyo Faisal Luhachimba Oo Kooxda Heegan ah Waxaanay Wada Haystaan Min 3-Gool.

23-Jamadul Thaani-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.