Halkan Kaga Bogo Xogta Ku Saabsan 12-ka Ciyaaryahan Ee Ugu Wanaagsan Ee Aan Abid Kusoo Guuleysan Horyaalka Champions League?

Halkan Kaga Bogo Xogta Ku Saabsan 12-ka Ciyaaryahan Ee Ugu Wanaagsan Ee Aan Abid Kusoo Guuleysan Horyaalka Champions League?
Halkan Kaga Bogo Xogta Ku Saabsan 12-ka Ciyaaryahan Ee Ugu Wanaagsan Ee Aan Abid Kusoo Guuleysan Horyaalka Champions League?

Weeraryahanka AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayuu dhawaan soo gaadhay dhaawac halis ah oo sababi kara inuu gabi ahaanba laalo kabihiisa kubadda cagta oo uu ka fadhiisto ciyaaraha isaga oo kamid ah liis halyeeyo ah oo aan abid kusoo guuleysan Champions League.

Weeraryahanka ree Sweden ayaa bisha October 39 sano jirsan doona waxaana macquul ah inuusan xilli ciyaareedkan awoodi doonin inuu soo koobo 12-ka dhibcood ee u dhaxeeya Milan iyo booska afraad ee Serie.

Mid kamida arrimaha nasiib xumada ku ah Ibra ayaa ah inuu xilli ciyaareedkii 2008-09 ee ay Barcelona Champions league qaaday uu Inter Milan joogay halka sanadkii 2009-10 ee ay Inter qaadayna uu Barcelona joogay.

Wargeyska Daily Sport oo kaddib dhaawaca Zlatan soo xulay liis 12 ciyaaryahan oo waaweyn oo aan kusoo guuleysan Champion League ayay ku jiraan halyeeyga ree Brazil ee Ronaldo Nazario iyo Gianluigi Buffon oo wali Juventus qayb ka ah.

Markii uu Ronaldo kusoo biiray Real sanadkii 2002 waxa ay kooxdaasi kusoo guuleysatay saddex kamid ah shantii Champion League ee wakhtigaas u dambeeyay.

Dhinaca kale Buffon oo kamid ah ciyaartoyda ugu nasiibka xun marka ay Champion League noqoto ayaa 2003, 2015 iyo 2017 soo gaadhay Final-ka tartanka balse koobka u waayay AC Milan, Barcelona iyo Real Madrid sida ay u kala horreeyaan.

Zlatan Ibrahimovic

Ronaldo

George Weah

Lilian Thuram

Gianluigi Buffon

Ruud van Nistelrooy

Patrick Vieira

Michael Owen

Fabio Cannavaro

Eric Cantona

Pavel Nedved

Dennis Bergkamp