Home BundesLiga

Halkan Kaga Bogo Ciyaartoy Aanad Hore u Maqal Iyo Kooxaha Ay u Soo Kala Ciyaareen?

Halkan Kaga Bogo Ciyaartoy Aanad Hore u Maqal Iyo Kooxaha Ay u Soo Kala Ciyaareen?
Halkan Kaga Bogo Ciyaartoy Aanad Hore u Maqal Iyo Kooxaha Ay u Soo Kala Ciyaareen?

Kubadda cagta waxa soo maray halyeeyo waaweyn oo ay inta badan taageereyaashu ku barteen kooxihii ay kusoo shaac baxeen ee ay magaca ku yeeshee, laakiin laga yaabo inay kaa qarsoon yihiin raadkoodii hore ee xirfaddooda iyo kooxihii ay usoo ciyaareen.

Min halyeyeeyadii Brazil iyo Argentine ee Pele iyo Maradona, Cafu ilaa Romario, waxay hormood u yihiin xiddigo aanad ka war qabin naadiyadii ay usoo ciyaareen ka hor intii aan lagu baranin kooxahoodii Santos, Barcelona, Napoli iyo AC Milan.

Raad-raaca taariikhda ciyaartoyda ee ay akhristeyaasha nagu xidhan ka daboolan, waxa aanu caawa halkan kusoo bandhigaynaa 13 ciyaartoy oo qaarkood ay xilli hore geeriyoodeen, kuwa kalena ka fadhiisteen gebi ahaanba kubadda balse markii aad maqashay magacyadooda ay u ciyaarayeen kooxo ay koobab kale ku qaadeen.

Xiddiga aanu idiin soo gudbinayno waxay soo hanteen koobab badan oo iskugu jira kuwo kooxeed iyo qaran, waxaana sidoo kale gacanta laga saaray intooda badan billado ay ku mutaysteen hanashada koobka, goolashii ay dhaliyeen iyo bandhiggoodii gudaha garoonka.

Johan Cruyff - Player profile | Transfermarkt

Johan Cruyff – Kooxda Levante:- Halyeyga ku suntan taariikhda Barcelona waxa uu waqti kusoo qaatay waddanka Maraykanka oo uu ka ciyaaray muddo kooban, sidoo kalena heerka labaad ee waddanka Spain ee Segunda Divisio ayuu Legante ugu ciyaaray. Toban kulan oo uu u saftay sannadkii 1981-kii, waxa uu u dhaliyey laba gool.

Diego Maradona | Biography & Facts | Britannica

Diego Maradona- Kooxda Sevilla:- Markii uu dhamaystay 15 bilood oo xadhig ah oo lagu riday isaga oo u ciyaaraya Napoli markii lagu helay inuu haystay daroogo sharci-darro ah oo uu isticmaalayay, amaba iibinayey, El Diego waxa uu ku laabtay waddanka Spain oo uu hore ugu ciyaaray Barcelona, laakiin markan waxa uu ku biiray Sevilla oo uu u dheelay 26 kulan una dhaliyey shan gool ka hor intii aanu ku laabanin waddankiisa Argentine.

Franz Beckenbauer - Player profile | Transfermarkt

Franz Beckenbauer- Kooxda Hamburg:- Markii uu ka tegay Bayern Munich waxa uu ku biiray New York Cosmos sannadkii 1977-kii oo ay Pele hal sano ku wada qaateen, balse waxa uu dib ugu soo laabtay Germany oo uu heshiis u saxeexay kooxda Hamburg sannadkii 1980-kii oo uu u ciyaaray ilaa 1982-kii. Waxa uu kula guuleystay horyaalka Bundesliga.

Alfredo Di Stefano: Ode to the Man Who Surpassed All Records | 90min

Alfredo Di Stefano- Kooxda Espanyol:- Sannado dahabi ah oo uu koobabkii ugu badnaa ku qaatay Real Madrid, waxa uu halyeyga Di Stefano u wareegay kooxda Espanyol ee ka dhisan waddanka Spain oo uu u ciyaaray laba sannadood oo u dhexeeyey 1964 ilaa 1966-kii xilli ay da’diisu ahayd 39 jir. Waxa uu u dheelay 47 kulan oo uu u dhaliyey 11 ciyaarood.

Frank Rijkaard - The Legacy of Football's Street-fighting Ballerino

Frank Rijkaard – Kooxda Real Zaragoza:- Halyeyga AC Milan iyo Ajax ee Frank Rijkaard waxa uu muddo kooban xili ciyaareedkii 1987/88 amaah ugu tegay kooxda reer Spain ee Real Zaragoza oo uu u ciyaaray 11 kulan ka hor intii aanu ku laabanin Ajax oo uu kula guuleystay Champions League.

LaLiga - Real Madrid: Hugo Sanchez's incredible Real Madrid record ...

Hugo Sanchez- Kooxda Rayo Vallecano:- Kaddib markii uu sannadihii 1980-meeyadii rikoodh gool-dhalinta ah ka dhigay kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid oo uu iskaga wareegay, Sanchez waxa uu ku laabtay Argentina, haddana sannad kaddib ayuu kusoo laabtay Spain isaga oo ku biiray Rayo Vallecano oo uu u dhaliyey 16 gool iyaga oo dib ugu laabtay heerka labaad.

Black History Month: Long live The King - Stars and Stripes FC

Pele – Kooxda New York Cosmos:- Kubadda waxa uu kaga fadhiistay isaga oo u ciyaaraya kooxda New York Cosmos ee waddanka Maraykanka oo uu ku biiray markii uu hawl-gabka kasoo noqday kooxda Santos ee reer Brazil, Pele waxa uu Cosmos u ciyaaray sannadihii u dhexeeyey 1975 ilaa 1977-kii.

Edwin van der Sar's 40th birthday gives Sir Alex Ferguson little ...

Edwin van der Sar– Kooxda Juventus:- Goolhayaha Dutch-ka ah waxa uu waqti kooban kusoo qaatay kooxda Juventus markii uu ka tegay Ajax, laakiin imaatinkii Gianluigi Buffon ayaa ku qasbay inuu u wareego Fulham oo uu usii dhaafo Manchester United.

Cafú - Player profile | Transfermarkt

Cafu- Kooxda Real Zaragoza:- Waxa uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha baasha midig ee difaaca ee ugu wanaagsanaa ee ka ciyaaray Spain xili ciyaareedkii 1994/95. Sannadkaas ayay kooxda Real Zaragoza kasoo qaadatay Sao Paulo laakiin waxa uu dib ugu laabtay waddankiisa ka hor intii aanu Yurub mar labaad soo gelin ee aanu gelin taariikhda kooxaha Roma iyo AC Milan.

Romario- Kooxda Valencia:- Ka dib waqtigiisii Barcelona iyo Flamengo, waxa uu ku biiray Valencia oo uu u ciyaaray shan kulan oo kaliya. Laakiin waxay isku dhaceen tababarihii kooxda ee xilligaas Luis Aragones taas oo qasab ka dhigtay inuu ku laabto Flamengo oo uu iskaga tago Spain iyada oo lagu bixiyey amaah. Markii uu ku laabtay Brazil, waxa haleelay dhaawac weyn oo soo dedejiyey inuu kabaha kubadda siibo.

A celebration of Romario at Barcelona: Football, flights and f ...

Patrick Vieira – Kooxda AC Milan:- Ka hor intii aanay xirfaddiisu qaan-gaadhka ku noqonin ee aanay kusoo shaac-bixin Arsenal, Vieira waxa uu soo xidhay funaanadda liidadka casaanka iyo madowga ee AC Milan, laakiin kaliya laba ciyaarood oo uu u saftay xilli uu Fabio Capello tababare ka ahaa, waxa uu u wareegay Arsenal.

Listen – Ray Parlour: Arsenal squad made Patrick Vieira apologise ...

Thierry Henry- Kooxda Juventus:- Xiddignimadiisa iyo xirfaddiisuba waxa lagu bartay Arsenal oo uu liiska halyeeyadeeda ugu horreeyo, hase yeeshee waxa uu waqti aan guuleysanin ku qaatay Juventus oo muddo 20 ciyaarood ah uu ka garab dheelay Zinedine Zidane, Alessandro Del Piero iyo xiddigo kale oo waaweyn.

How well do you know Thierry Henry? | Quiz | News | Arsenal.com

Michael Laudrup– Kooxda Lazio:- Halyeyga reer Denmark waxa uu sannadkii 1983-kii ka tegay waddankiisa oo uu ku biiray Lazio oo uu u ciyaaray 102 kulan ka hor intii aanu sannadkii 1985-kii uga wareegin Juventus. Waxa uu usii dhaafay Barcelona iyo Real Madrid.

One of ours: Michael Laudrup