Halkan Ka Akhriso Hadalkii Dhex Maray Wayne Rooney, Rio Ferdinand Iyo Cristiano Ronaldo Wakhtigii Man United?

Halkan Ka Akhriso Hadalkii Dhex Maray Wayne Rooney, Rio Ferdinand Iyo Cristiano Ronaldo Wakhtigii Man United?

Halyeyga reer England ee Rio Ferdinand ayaa qirtay in qolka lebbiska iyo gudaha garoonkaba ay muranno ku dhex-mari jireen isaga iyo labada laacib ee Wayne Rooney iyo Cristiano Ronaldo muddadii ay wada joogeen Old Trafford.

Ferdinand oo muddo 12 sannadood ah u ciyaaray Manchester United, waxa uu kula guuleystay lix koob oo Premier League ah iyo Champions League, waxaase u garab socday koobab kale oo maxalli ah.

Waqtigaas waxay qolka lebbiska wadaageen xiddigo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo iyo Wayne Rooney oo ahaa laacibiin tayo badan balse dabeecaddoodu kala duwan tahay.

Rio Ferdinand waxa uu qirtay in  labadan ciyaartoy ay ku dhex-mureen qolka lebbiska xilliyadaas iyo sidoo kale garoonkaba, kuwaas oo ku qotomay sidii uu mid walba usii kordhin lahaa dedaalka iyo waxqabadkiisa.

Sidoo kale waxa uu soo qaaday Berbatov oo isaguna waqtiyadaas nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ubaxii quruxda badnaa ee uu hoggaamiyey Sir Alex Ferguson.

“Inaan ka ciyaaro xagga dambe ee saddexdan, waxay ahayd riyo. Goolasha, tamarta, xirfadda, isku-xidhnaanta, damaca, orodka, go’aan qaadashada dhamaan saddexda.” Ayuu yidhi Rio Ferdinand ka hor intii aanu u gelin khilaafyadii.

“Miyaanu murannay? saxo (Saar calaamadda saxda)

“Miyaanu wax badan iska dalbanay? saxo (Saar calaamadda saxda)

“Miyey kuwani ahaayeen gudaha kooxda ah? saxo (Saar calaamadda saxda)

“Miyaanu is-tixgelinaynay? saxo (Saar calaamadda saxda)

“Miyaanu guuleysanay? saxo (Saar calaamadda saxda)

Si kastaba, muddadii uu Cristiano Ronaldo joogay Manchester United, waxa uu u saftay ku dhowaad 300 ciyaarood oo uu u dhaliyey 118 gool, laakiin Wayne Rooney oo muddo 13 sannadood ah xidhnaa funaanadda cas, una saftay  ku dhowaad 560, ayaa u saxeexay 253 gool.