Home Premier League

Halkan Ka Akhriso Ciyaartoyda Ka Tagaysa Kooxda Chelsea Dhamaadka Bishan?

Halkan Ka Akhriso Ciyaartoyda Ka Tagaysa Kooxda Chelsea Dhamaadka Bishan?

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa shaacisay in saddex ka mid ah ciyaartoygeedu ay ka tegi doonaan dhamaadka bishan, kuwaas oo dhamaantood ah laacibiin ay heshiisyadoodu dhamaadeen.

Laacibka reer Spain ee Pedro ayaa ka bixi doonta Stamford Bridge, waxaanu u dhaqaaqayaa Talyaaniga oo uu kaga biiri doono kooxda AS Roma oo uu laba sannadood oo heshiis ah la galay.

Pedro oo hore ugu ciyaari jiray Barcelona ka hor intii aanu Chelsea iman, waxa uu fasal ciyaareedkan ka baxay liiska ciyaartoyda uu Frank Lampard ku xisaabtamo, waxaanu inta badan ku qaatay bannaanka iyadoo uu dareemayay in aan laga doonayn London, hase yeeshee qandaraaskiisa ku eg bishan ayaa lagu kordhinayaa muddo kooban oo illaa lix usbuuc ah oo uu kusii joogayo inta uu xili ciyaareedku ka dhamaanayo.

Xiddiga reer Brazil ee Willian oo wacdaro ka dhigay ciyaartii xalay ay Blues ku garaacday Manchester City, oo isaguna iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo Chelsea ayaa mustaqbalkiisu cirka ku laallan yahay, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo reer London ah.

Laakiin Willian ayaan ku jirin liiska ciyaartoyda ay Chelsea shaacisay inay tegayaan, waxaana la filayaa inuu saxeexi doono heshiis muddo gaaban oo inta uu xili ciyaareedku dhamaanayo uu kusii joogi doono Chelsea.

Saddexda ciyaartoy ee sida rasmiga ah ay Chelsea u shaacisay inay ka tegayaan dhamaadka bishan ayaa kala ah Josh Grant, Richard Nartey iyo Marcel Lavinier oo dhamaantood ka soo baxay kulliyadda kooxda, isla markaana aan hal kulanna u ciyaarin kooxda koowaad.

Grant oo 21 jir ah waxa uu waqtiyo amaah ah kusoo qaatay Yeovil Town iyo Playmouth Argyle waxaanu ka ciyaaraa difaaca, balse Nartey oo isaguna difaac dhexe ah, waxa hore loogu diray Burton Albion oo uu xili ciyaareedkan ku maqan yahay, halka Lavinier oo laba dhalasho haysta, uu u ciyaaray xulka qaranka Portugal ee U18.