Hakim Ziyech Isagoona Wali Iman Garoonka Stamford Bridge Ayuu Siiba Dalbaday Saaxiibkii Andre Onana Oo Ay Isku Kooxda Ajax Ahaayeen?

Hakim Ziyech Isagoona Wali Iman Garoonka Stamford Bridge Ayuu Siiba Dalbaday Saaxiibkii Andre Onana Oo Ay Isku Kooxda Ajax Ahaayeen?
Hakim Ziyech Isagoona Wali Iman Garoonka Stamford Bridge Ayuu Siiba Dalbaday Saaxiibkii Andre Onana Oo Ay Isku Kooxda Ajax Ahaayeen?

Xiddiga ay dhawaan la saxeexatay kooxda Chelsea balse aan wali matalin ee Hakim Ziyech ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu kooxdiisa cusub ku qanciyo lasoo saxeexashada saaxiibkiisa Ajax ee Andre Onana.

Garabka heer caalami ee xulka Morocco ayaa lagu wadaa inuu suuqa xagaaga qaab rasmi ah ugu wareegi doono Stamford Bridge kaddib heshiis 37 Milyan oo Pound ku qabsoomay oo ay Blues la gaadheen kooxdiisa bishii hore.

Ziyech ayaa la aaminsan yahay inuu saaxiib dhaw la yahay goolhayaha kooxdiisa ee Andre Onana waana sababta uu u doonayo in Bridge loogu keeno maadaama Onana qudhiisu uu rabo usoo dhaqaaqista horyaalka Premier League.

Xogtan oo ah mid laga helayo shabakadda Sportsmail ayaa ah mid intaas ku daraysa in labada kooxood ee uu midkood doonayo Onana ay yihiin Tottenham iyo Chelsea kaddib mudo shan sano ah oo uu kusoo qaatay Ajax.

Shabaq ilaaliyaha ree Cameroon ayaa haddiiba uu usoo dhaqaaqyo dhinaca Chelsea ku kici doona lacag ka badan midii Ziyech waana in laga bixiyo inta u dhaxaysa 40 ilaa 50 Milyan oo euro.

Waxa la aaminsan yahay in tababaraha Chelsea ee Frank Lampard uu doonayo inuu keensado goolhaye cusub walow uu dhawaan uun shaxda kooxda kusoo celiyay goolhaye Kepa Arrizabalaga oo in mudo ah keydka u galay sababo qaab ciyaareed xumo.

Sidoo kale Tottenham ayaa doonaysa saxeexa shabaq ilaaliye cusub iyadoo uu Jose Mourinho isha ku