Home LA LIGA

Hadiiba Uu Hakad Galay Horyaalkii La Liga Ee Wadanka Spain Kooxdee Hanan Karta Horyaalkaasi Marka Loo Eego Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona?

Hadiiba Uu Hakad Galay Horyaalkii La Liga Ee Wadanka Spain Kooxdee Hanan Karta Horyaalkaasi Marka Loo Eego Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona?
Hadiiba Uu Hakad Galay Horyaalkii La Liga Ee Wadanka Spain Kooxdee Hanan Karta Horyaalkaasi Marka Loo Eego Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona?

Horyaalka LaLiga ee waddanka Spain waxa la joojiyey horraanta bishii March xilli ay Barcelona laba dhibcood oo kaliya ku hoggaaminayso, kaddib markii uu canuunka Coronavirus ku faafay waddankaas.

Real Madrid oo hoggaanka horyaalka muddo ku naaloonaysay ayaa si lama filaan ah bishii February hoos ugu dhacday, waxaana ku habsaday kulamo xidhiidh ah oo ay guushu ku adkaatay, taasina waxay faa’iido u noqotay Barcelona oo laba dhibcood ka sare martay, inkasta oo iyaduba ay mushkilado badan soo gashay.

Horyaalka waxa ka hadhsan 11 ciyaarood oo ay tahay in la ciyaaro bilaha soo aaddan ka hor inta aanu bilaabin xili ciyaareedka dambe, laakiin haddii ay sii jirto dhibaatada xanuunka Coronavirus ee dalkaas sida ba’an ugu faafay, sidee la yeelayaa?

Hristo Stoichkov: VAR is necessary | Sports | China Daily

Su’aashan waxa ka jawaabay halyeygii Barcelona ee Hristo Stoichkov oo usoo ciyaaray kooxdan laba jeer oo kala duwan. Markiisii ugu horreysay waxa uu Camp Nou uu u ciyaaray shan sannadood oo u dhexeeyey 1990-95-kii, kaddibna dib ayuu ugu soo laabtay 1996-98-kii.

Hristo Stoichkov oo u warramay idaacadda Cadena COPE, ayaa waxa uu yidhi: “Uma baahnin inaynu baqano, laakiin waxay u baahanahay nidaam.

“Haddii aynu eegno sida xaaladdu tahay, ciyaaraha la Ciyaaray, caddaaladda ugu wanaagsan waa in horyaalka lagu dhameeyo sida uu yahay (Koobka la siiyo Barcelona)”

Hristo Stoichkov oo sannadkii 1994-kii ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or isaga oo xidhan funaanadda Barcelona, waxa uu ku taliyey in kooxdiisa hore la siiyo Koobka, isla markaana xilli ciyaareedka dambe horyaalka laga dhigo 22 kooxood oo lagu soo kordhiyo labada naadi ee Cadiz iyo Real Zaragoza oo ah kuwa ugu dhibcaha sarreeya heerka labaad.