Hadii Real Madrid Ku Guuldaraysato Pogba Waxay Diirada Saaraysaa Ciyaartoy Casemiro Iyo Kante Oo La Isku Daray Awooda Jidh Ahaaneed Kala Siman Pogba?

Hadii Real Madrid Ku Guuldaraysato Pogba Waxay Diirada Saaraysaa Ciyaartoy Casemiro Iyo Kante Oo La Isku Daray Awooda Jidh Ahaaneed Kala Siman Pogba?
Hadii Real Madrid Ku Guuldaraysato Pogba Waxay Diirada Saaraysaa Ciyaartoy Casemiro Iyo Kante Oo La Isku Daray Awooda Jidh Ahaaneed Kala Siman Pogba?

Zinedine Zidane waxa uu raadinayaa ciyaartoy khadka dhexe ah oo udub-dhexaad u noqda dibu-curashada uu doonayo inuu Real Madrid ku sameeyo, si uu uga saaro dhibaatada xili ciyaareedkan ay ku jireen iyo middii uu ka dhaxlay labadii macallin ee muddada gaaban sannadkii hore isku beddelay.

Paul Pogba ayaa ah ciyaartoyga koowaad ee Real Madrid shiishku u saaran yahay ee khadka dhexe, waxaana uu macallinka reer France hore u caddeeyey marar badan in kubbad-sameeyahani uu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan dunida, hase yeeshee heshiiskiisa dhacaya badhtamaha sannadka dambe ayaa markan fursad u noqon kara.

Sida uu sheegay wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, haddii Paul Pogba uu ku adkaado, Zidane waxa uu u dhaqaaqi doonaa laacib lagu tilmaamo Casemiro iyo Kante oo la isku daray, isla markaana awoodda jidh ahaaneed kala siman Pogba oo ay da’diisu tahay 17 sannadood.

Eduardo Camavinga oo u dhashay waddanka France, una ciyaara kooxda Rennes ee horyaalka kubadda cagta Ligue 1 ayaa kusoo baxay bartilmaameedka Zidane ee haddii uu ku guul-darraysto Pogba, waxaana uu wargeysku ku doodayaa in da’yarkan uu ka mudan yahay xiddiga Manchester United oo mushaharka uu dalbanayo iyo lacagta United ku doonayso inay ku iibiso intuba qaali ku yihiin Los Blancos.

Heshiiska uu Camavinga kula jiro Rennes waxa uu dhacayaa xagaaga sannadka dambe ee 2021, waxaana qiimihiisa hadda uu hoos ugu soo dhacay illaa €50 milyan kaddib markii uu dhaqaalaha kooxa burburiyey Xanuunka Coronaviurs.

Zinedine Zidane ayaa saxeexiisii ugu horreeyey ee uu Real Madrid u keenay uu ahaa Raphael Varane xilli uu ku-xigeen u ahaa Carlo Ancelotti, waxaana waqtigaas uu Varane kaga soo iibiyey lacag dhan €10 milyan, taas oo faa’iidadeedii la arkayo hadda.