Hadii Mohamed Bin Salman Uu La Wareego Kooxda Newcastle United Waxay Sii Iftiiminaysaa In Kooxdu Hanan Karto Ciyaartoy Uu Edinson Cavani Hor Kacaayo?

Hadii Mohamed Bin Salman Uu La Wareego Kooxda Newcastle United Waxay Sii Iftiiminaysaa In Kooxdu Hanan Karto Ciyaartoy Uu Edinson Cavani Hor Kacaayo?

Kooxda horyaalka Premier League ee Newcastle United ayaa u muuqata mid xisaabta kusii darsatay maaliyada dhaxal sugaha dalka Sucuudiga ee Mohamed Bin Salman oo aad ugu dhaw inuu kooxdaaasi dhawaan la wareego lacago badana suuqa geliyo.

Mohamed Bin Salman oo hore lacag 4.5 Bilyan ah ugu doonayay Manchester United balse loo diiday ayaa haatan qarka u saaran inuu Newcastle United 300 Milyan oo Pound kula wareego iyadoo la filayo in dhawaan la shaacin doono heshiiska.

Waxa ay haatan u muuqata in saxeexa koowaad ee ay samayn doonto Newcastle United uu noqon doono daafaca dhexe ee Napoli ee Kalidou Koulibaly walow mudo dheer lala soo xidhiidhinayay Manchester United.

Sida uu sheegayo wargeyska Daily Mail oo soo xiganayo Foot Mercato oo Talyaaniga kasoo baxa, 28 sano jirkan ayay xilli horeba xidhiidh la sameeyeen madaxda suuqa ee Magpies,

Madaxweynaha Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu iska iibiyo Koulibaly, hoggaamiyaha reer Senegal ayaan ku qanacsanayn dalab uga imanaya kooxda Paris Saint-Germain isagoo door bidaya dhinaca Premier League.

Napoli ayaa maadaama oo uu dhaqaalaha kubadda cagta saamayn doono xanuunka Coronavirus lagu wadaa inay 70 Milyan oo Pound ku dalbato iibka Kalidou balse lacagtaas ayaa wali ah mid rekoodh u noqon doonta Newcastle sababtoo ah in saxeexooda ugu qaalisan ee Joelinton uu 40 Milyan ahaa.

Warka ay ku diirsan karaan taageerayaasha Newcastle ayaa ah inuu la wareegayo nin 320 Bilyan haysta oo ay noqon doonaan kooxda ugu qanisan kubadda cagta caalamka isla markaana ay u tartami doonaan saxeexyada magacyo waaweyn.

Sidoo kale Newcastle ayaa la sheegayaa inay xiiso u qabto inay lasoo wareegto 33 sano jirka Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani oo heshiiskiisa kooxdaasi uu xagaagan ku eeg yahay.