Hadii Laba Xili Ciyaareed La Ganaaxay Kooxda Man City Waa Maxay Faa’idada Ugu Jirta Kooxda Liverpool?

Hadii Laba Xili Ciyaareed La Ganaaxay Kooxda Man City Waa Maxay Faa’idada Ugu Jirta Kooxda Liverpool?
Hadii Laba Xili Ciyaareed La Ganaaxay Kooxda Man City Waa Maxay Faa'idada Ugu Jirta Kooxda Liverpool?

Kooxda Kubadda cagta Liverpool ayaa faa’iido ka dhex heli karaysa ganaaxa culus ee ku dhacay Manchester City, taas oo muddo laba xili ciyaareed ah laga ganaaxay horyaalada Yurub sida Champions League iyo Europa League.

Sida ay qoreen warbaahinta dalka Ingiriiska saaka oo Sabti ah, Manchester City waxa suurtogal ah in loo celiyo heerka afraad ee ciyaaraha England gaar ahaan League Two, taas oo ka dhigan in saddexda heer ee sare ee Premier League, Championship iyo League One ay dib ugu soo dagaallami doonto.

Labada wargeys ee magaca weyn ee The Guardian iyo Daily Express, ayaa isku waafaqay in City ay xili ciyaareedka dambe ka dheeli doonto League Two, sida uu dhigayo dhowaan la ansixiyey oo lagu fuliyey kooxo ka dhisan England.

Si loo fuliyo in Manchester City aanay xili ciyaareedyada dambe ka dheelin Champions League, waxa qasab noqonaysa in laga jaro dhibco, taasina waxay fursad iyo faa’iido weynba u tahay Liverpool oo heli doonta laba faa’iido oo ah in dhibcaha hadda laga jaro City ay u ogolaadaan inay xilli hore ku guuleysato horyaalka Premier League oo ay haddaba 22 dhibcood hoggaanka ku hayso.

Premier League oo ay ka hadhsan yihiin 13 ciyaarood oo kali ah, waxay Manchester City qaadanaysaa rafcaan, hase yeeshee haddii ay ku guul-darraysato faa’iido labaad ayaa ugu jirta Liverpool, waxaanay tahay in xili ciyaareedka dambe ay dhibco waayi doonta koox si adag ula xafiiltantay oo ah Manchester City amaba ay suurtogal tahay in aan loo ogolaanin inay Premier League ka ciyaaro.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa ka mid noqotay kooxaha ka faa’iidaya dhibaatada ay gashay Manchester City, halka ay jiraan naadiyo kale oo kaalmaha shanaad ku dhamaysan doona Premier League xili ciyaareedkan oo geli doona kaalinta City ee Champions League xili ciyaareedka dambe.