Gudoomiyihii Kooxda Elman Sports Club Oo Iska Casilay Xilkii Gudoomiye Ee Kooxdaasi?

Gudoomiyihii Kooxda Elman Sports Club Oo Iska Casilay Xilkii Gudoomiye Ee Kooxdaasi?
Gudoomiyihii Kooxda Elman Sports Club Oo Iska Casilay Xilkii Gudoomiye Ee Kooxdaasi?

Gudoomiyihii Kooxda Elman Ayaa Sheegay Inuu Iska Casilay Xilkii Gudoomiye Ee Kooxda Elman Isagoo Xilkaasi Hayey Mudo Laba Sano ah Waxaana Gudoomiye Cabdirisaaq Goroje Sheegay Kaliya Inuu Ka Tagay Shaqadii Gudoomiyinimo Ee Kooxda.

Cabdirisaaq Faarax Cumar “Goroje” Ayaa Iscasilaadiisan Kaga Dhawaaqay Magaalada Landhan Oo Uu Ku Sugan Yahay Waxaana uu Sheegay Inuu Mar Walba La Taageersan Yahay Kooxda Lana Shaqayn Doono Kaliya Uu Iska Casilay Xilkii Gudoomiye.

“Inta Badan Nolosheyda Waxaan Ku Soo Dhex Jiray Kubada Cagta Walina Waan Ku Dhex Jiraa Waana Jeclahay Kubada Cagta Waana Jeclahay Naadiga Elman Waxaan Ka Tagay Oo Kaliya Xilkii Aan Ka Hayey Laakiin Waxaan Cadeynayaa In Aan Diyaar u Ahaan Doono Inaan Kooxdeyda Ku Caawiyo Wax Kasta Oo Ay Iiga Baahato Mustaqbalka Waxaana Ka Sii Mid Ahaan Doonaa Bahweynta Kubada Cagta Soomaaliya”

Waxyaabaha Uu Uga Tagay Shaqada Gudoomiye Ee Kooxda Elman Ayaa Gudoomiyihii Hore Cabdirisaaq Goroje Ku Sheegay Mar uu Ka Hadlay Sidan Waxaanu Yidhi.

“Xilka Gudoomiyinimo Ee Naadiga Elman FC Ayaan Ka Tagay Oo Kaliya Sababo La Xidhiidha Aniga Oo Aan u Heli Karin Wakhti Igu Filan Oo Aan Ku Sii Hogaamiyo Taas Ayaana ah Sababta Iscasilaadeyda Wali Jacayl Aad u Weyn Ayaan u Hayaa Bahweynta Elman Waxaana Mar Kasta Ku Faraxsanahay Inaan Caawiyo Elman Iyo Xidhiidhka Kubada Cagta Soomaaliya Intii Karaankeyga ah”

Hadaba Maxaynu Ka Xasuusanaa Mudadii Labada Sano Ee Kooxda Elman FC Uu Gudoomiyihii Hore Cabdirisaaq Goroje Xilkaasi u Hayey Iyo Sidoo Kale Shakhsiyadiisii Horumarineed Ee Dalka Soomaaliya.

Kooxda Elman Ayaa Sanadkii Hore Ee 2019 Loo Aqoonsaday Kooxdii Ugu Fiicnayd Dhanka Maamul Wanaaga Iyadoo Gudoomiye Goroje Abaal Marintaasi Lagu Gudoonsiiyey Xafladii Abaal Marinta Kubada Cagta Soomaaliya Ee Horaantii Bishii Jan Ee Sanadkan 2020 Tirsiga Miilaadiga Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Hore Cabdirisaaq Goroje Wuxuu Soomaaliya Sadex Sano Ka Hor Ka Hirgaliyey Akademiyada Tababarka Goolhayanimada Waxaana Ka Faa’ideystay Caruur Badan Oo Soomaaliya ah.

Gudoomiye Cabdirisaaq Goroje Waa Aabaha Dhalay Ciyaartoy Yoonis Faarax Oo Ka Tirsan Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya Qaybta Qurba Joogta.

Goroje Wuxuu Haystaa Shahaahdo Heerka Koowaad ah Oo Uu Ka Haysto FA-ga Wadanka Ingiriiska Waana Macalin Dhanka Goolheynta ah.

22-Shabcaan-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.