Goolal Yaraanta Firmino Miyey Halis Ku Tahay Kooxda Liverpool Waakan Macalinkooda Jurgen Klopp Oo u Waramay JOE?

Goolal Yaraanta Firmino Miyey Halis Ku Tahay Kooxda Liverpool Waakan Macalinkooda Jurgen Klopp Oo u Waramay JOE?
Goolal Yaraanta Firmino Miyey Halis Ku Tahay Kooxda Liverpool Waakan Macalinkooda Jurgen Klopp Oo u Waramay JOE?

Tan iyo markii uu ku biiray Liverpool xagaagii 2015, Roberto Firmino waxa uu saftay 235 ciyaarood isaga oo ah weeraryahanka koowaad ee Reds, waxaanu dhaliyey 77 gool oo kaliya.

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa weeraryahan ku fiican goolasha in ay xagaaga soo aaddan soo iibsan doonto, si dhowna waxa farta loogu fiiqayaa laacibka reer Germany ee Werner, hase yeeshee walaaca ay dadku muujinayaan uma muuqdo tababare Jurgen Klopp, waxaanu rumaysan yahay inuu u qabto shaqooyin badan oo kale.

12-kii bilood ee ugu dambeeyey, Firmino waxa uu Liverpool ka caawiyey inay ku guulesyato Champions League, UEFA Super Cup iyo Club World Cup, sidoo kalena waxay u dhow yihiin inay hantaan hanashada horyaalka Premier League oo lix dhibcood oo kaliya ay u baahan yihiin.

Tababare Jurgen Klopp oo u warramay warbaahinta JOE, ayaa waxa la weydiiyey haddii goolal yaraanta Firmino ay dhibaato ku tahay kooxdiisa, isla markaana ay tahay inuu lasoo saxeexdo ciyaartoy beddelkiisa noqda, balse kaga fiican dhamaystirka kubbadaha, waxaanu ku jawaabay: “Isagu waa xidhiidhiye, waanay yar tahay inaad la kulanto ciyaartoy sida Bobby oo kale ah, danayste aan ahayn, kalidiina aan ciyaarin.

“Waa sida kubadda halkaa dhig, halkaa dhig, kubadda dhiib, xaqiiqadiina sidaas ayuu ku faraxsan yahay, markaas wuxuu xaqiiqsan yahay, in aanan uga baahnayn afar ama shan gool usbuucii.”