Giroud Oo Heshiis La gaadhay Koox Talyaani Ah.

Giroud Oo Heshiis La gaadhay Koox Talyaani Ah.

Malcab.com waxay idin soo gudbinaysaa wararka ugu waa weyn ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ah ee ka soo baxa horyaalada, Premier League, La Liga, Serie A iyo adduunka oo dhan

Ciyaaryahan Chelsea ah ayaa soo gabagabeynaya joogitaankiisa Premier League-ga

Olivier Giroud ayaa u muuqda inuu macsalaameyn doono kubada cagta Ingariiska, iyadoo weeraryahanka Chelsea uu ogolaaday qandaraas ku meel gaar ah inuu la galo kooxda Juventus, sida ay qortay Sky Sports Italia.

Xiddigan reer France ee Koobka Adduunka kula guulaystay xulka qaran france ayaa go’aan ku gaadhay inuu sooafjaro laba xilli-ciyaareed iyo bar ee uu joogay garoonka Stamford Bridge, isagoo ka yimid kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal bishii Janaayo 2018.

Tan iyo markii uu yimid London 2012, 33 jirkaan wuxuu gaaray guulo wax ku ool ah, isagoo ku guulaystay, afar jeer oo uu ku guuleystay FA Cup iyo koobka Europa League oo isna mar la qaaday kooxdiisa chelsea.