Home LA LIGA

Geerida Michael Robinson Waxaa Si Wada Jir ah Uga Hadlay Cesc Fabregas Iyo Sergio Ramos?

Geerida Michael Robinson Waxaa Si Wada Jir ah Uga Hadlay Cesc Fabregas Iyo Sergio Ramos?
Geerida Michael Robinson Waxaa Si Wada Jir ah Uga Hadlay Cesc Fabregas Iyo Sergio Ramos?

Weeraryahankii hore ee Liverpool iyo xulka Republic of Ireland Michael Robinson ayaa geeriyooday isagoo da’diisa ay tahay 61 sanno jir.

Robinson oo sidoo kale u soo ciyaaray kooxda Manchester City islamarkaana ahaa tabiye TV oo caan ah ayaa laga helay kansarka maqaarka sannadkii 2018.

Robinson waxa uu ku guuleystay koobka Champions League maanta loo yaqaano, horyaalka Ingariiska iyo League Cup xilli ciyaareedkii 1983-84 markaasoo uu u ciyaarayay Liverpool.

Waxa uu 113 kulan u saftay kooxda Brighton halka uu sidoo kale u ciyaaray Preston, kooxda Isbaanishka ee Osasuna ka hor inta uusan ciyaaraha uga fariisanin QPR.

Michael Robinson dead at 61: Ex-Liverpool ace loses battle with ...

Robinson wuxuu dunida uga tagay xaas iyo labo caruur ah oo lagu magacaabo Liam iyo Aimee, waxa uu dhaliyay afar gool 24 kulan uu u saftay xulka Ireland intii u dhaxeysay 1980 iyo 2986 ka hor inta uusan noqonin shaqsi laga jeclaado TV-yada iyo xitaa mararka qaar aflaamta.

Waxa uu codeeyay filimka caan baxay ee Shrek qeybtiisa Isbaanishka, Liverpool ayaa ku soo qortay bogeeda rasmiga ee Twitter.

“Waxaa si weyn uga xunahay geerida ciyaaryahankeenii hore Michael Robinson oo 61 sanno jir ahaa, Qof walba oo Liverpool ka tirsan waxay muruga la qeybsaneysaa qoyska iyo asxaabta Michael.”

Madaama Spain si weyn loo jeclaa sababo la xiriira shaqadiisa TV-yada iyo aflaamya, kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee ka tacsiyadeeya geeriga Robinson.

Waxa uu Twitter ku soo qoray “Nasiib ayaan u lahaa inaan la kulmo Michael Robinson. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa iyo asxaabtiisa. You’ll Never Walk Alone.”

Cesc Fabregas ayaa isna Twitter ku soo qoray: “Waligeen saaxiib ayaad inoo ahaan doonto, nabad ku naso.”