Garoonka Camp Nou Miyaanu Ku Faraxsaneen Antoine Griezmann Waakan Wargeyska Esports Oo Wax Ka Qoray?

Garoonka Camp Nou Miyaanu Ku Faraxsaneen Antoine Griezmann Waakan Wargeyska Esports Oo Wax Ka Qoray?
Garoonka Camp Nou Miyaanu Ku Faraxsaneen Antoine Griezmann Waakan Wargeyska Esports Oo Wax Ka Qoray?

Weeraryahanka Faransiiska ah ee Antoine Griezmann ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Barcelona, waxa ka dhalatay hadal-hayn badan oo qaarkood tibaaxayaan in aanu ku faraxsanayn inuu Camp Nou sii joogo.

Sida uu qoray wargeyska Esport ee kasoo baxa waddanka Spain, waxa jira tilmaamo muujinaya in Griezmann aanu la dhacsanayn kooxdiisa cusub, wajigiisana aanay ka muuqanin farxaddii lagu yaqaanay waqtigii uu joogay Atletico Madrid, halkaas oo uu ka ahaa ciyaartoy muhiim ah.

37 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu xili ciyaareedkan u saftay Barcelona, Antoine Griezmann waxa waxa uu dhaliyey 14 gool, laakiin dhibaatadu maaha tirada goolasha uu dhaliyey, hase yeeshee waxa dooddu ku qotontaa bandhigga kale ee inta uu garoonka ku jiro oo uu u muuqdo mid aan la haysanin hab-ciyaareedka kooxda, marar badanna aan la siinin kubbado uu meel fiican oo uu gool ka dhalin karayo uu joogo.

Eric Olhats oo ahaa qofkii sababta u ahaa inuu Antoine Griezmann ku biiro kooxda Real Sociedad, sidoo kalena tababare u ahaa markii ay da’diisu ahayd 14 jir, ayaa waraysi uu siiyey Mundo Deportivo, waxa uu ku sheegay in ay wajia laacibkan ka muuqato dhibaato jirta oo aanu afka ka sheegaynin.

Eric Olhats oo arrintan ka hadlay, waxa uu yidhi: “Aniga way i dhaawacaysaa, sababtoo ah waxaan garanayaa waxay awooddiisu tahay ee uu samayn karayo. Wax intan ka badan ayuu qaban karayaa, laakiin waxba ma sheegayo, wuxu door bidayaa inuu shaqeeyo isaga oo aamusan.

“Waxaad arkaysaa in dhibaatooyin jiraan, in aanu faraxsanayn. Waxay ila tahay in la tixgeliyo aragtidiisa iyo waxa uu u qalmo. Kaliya waa 28 jir, waana ciyaartoy heer caalami ah, waanu soo laaban doonaa waqti kaddib.”